Muqdisho (RBC Radio) Shirkadda SKA ee gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay dil mawaadin Soomaaliyeed uu Muqdisho ugu geystay mid ka mid ah shaqaalaha Ajaanibta ah oo la sheegay inuu u dhashay dalka Koonfur Afrika.
Yuusuf Sheekh ayaa beeniyey warar maalmihii danbe ay isla dhexmarayeen bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho kaasoo ku saabsanaa in ninka dilka u geystay mawaadinka Soomaaliyeed uu kasoo jeedo dalka Koonfur Afrika oo dhibaatooyin badan loogu geysanayo Soomaalida arintaas oo guux iyo xasaasiyad abuurtay,wuuxuuna sheegay in ninka dilka geystay uu kasoo jeedo Jasiirad yar oo ku taalla badda Baasifigga.
Afhayeenka shirakdda SKA Yuusuf Sheekh ayaa sheegay in ninka dilka geystay loo taxaabay xabsiga,wuxuuna tibaaxay in wadahadal iyo is afgarad dhexmaray ehelada marxuumka geeriyooday iyo shirkadda dhexmaray lagu sii daayey ninkii gacan ku dhiig laha ahaa, wuxuuna tilmaamay iney goob joog ahaayeen maxkamadda sare ee dalka, xeer ilaalinta qaranka iyo saraakiisha ciidanka booliska marka uu dhacayey heshiiska iyo is afgaradka alagu sii daynayey ninka ka midka ah shaqaalaha shirkadda ee dilka geystay.
Hadalka afhayeenka shirkadda gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa meeshay ka saaraya warar maalmihii danbe la isla dhexmarayey kuwaas oo la xiriira in mawaadinta Soomaaliyeed uu dilay nin u dhashay dalka Koonfur Afrika.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho