Baydhabo(RBC Radio) Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal ay alshabaab xalay ku qaadeen xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in ciidan ka tirsan alshabaab ay xalay habeenimadii weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen gudaha magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in alshabaab ay gudaha usoo galeen magaalada,waxaana la tilmaamay iney weerar qorsheysan ku qaadeen xarumo ay ciidanka dowladda Soomaaliya ku leeyihiin xaafadaha Suuqa xoolaha iyo Cunaaye oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo.
Waxaana halkaa ciidanka dowladda iyo alshabaab ku dhexmaray dagaal culus oo saacado badan socday,saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen 3 ruux oo mid ka mid ahaa uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya,halka ay ku dhaawacmeen dad intaa ka badan.
Dagaalka ayaa waxaa markii danbe kusoo biiray ciidanka dowladda Ethiopia ee ku sugan magaaladaas kuwaas oo dagaalka ka qaybagalay,waxaana la soo sheegayaa in ciidamado ay saaka magaalada Baydhabo ka wadaan baaritaano ay ku raadinayaan kooxihii xalay kula dagaalamay gudaha magaalada,hawlgallada ay ciidanku samaynayaan ayaa Baydhabo ka soconaya ilaa xiligan waxaana lasoo sheegayaa in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dad badan oo ay ku tuhunsan yihiin iney alshabaab gabbaad siiyaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho