Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo ka badbaaday Qarax Miino oo Muqdisho lagula eegtay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Masuuliyiinta ugu sareeya maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka badbaaday isku day la doonayey in lagu khaarajiyo,Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,ku xigeenkiisa iyo dhowr gudoomiye degmo ayaa waxaa Qaraxa Miino lagula eegtay Xaafadda Gubta ee degmada Dayniile.

Gudoomiyaha waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile Maxamed C/llaahi  Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,kuxigeenkiisa Cali Axmed Guure iyo gudoomiyaasha degmooyinka Dayniile iyo Wardhiigle  Qaraxa Miino oo dhulka lagu sii aasay ayaa lagula beegsaday Xaafadda Gubta ee degmada Dayniile.

Maxamed C/llaahi Cismaan gudoomiyaha waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ayaa sheegay in Qaraxa oo  ahaa nuuca meelaha fog laga hago uu  dhaawac kasoo gaaray 2 askari oo ka mid ahaa ilaalada masuuliyiinta gobolka Banaadir,wuxuuna tilmaamay in Qaruxu uu qabsaday gaariga gudoomiye ku xigeenka Cali Axmed Guure oo ugu horeeyey,wuxuuna tilmaamay inuu ka badbaaday isku daygaas la doonayey in lagu khaarajiyo.

Maxamed C/llaahi ayaa intaa ku daray in gudoomiye Tarsan iyo masuuliyiintii la socday ay dhammaantood ka badbaadeen Qaraxa Miino ee la doonayey in lala beegsado,wuxuuna tilmaamay in masuuliyiintu ay xiligan ku sugan yihiin goobta oo ay ciidanka dowladdu ka wadaan hawlgallo ay ku baadi doonayaan dadkii ka danbeeyey Qaraxa.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles