Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Afooye:Qarax Miino oo khasaaro dhaliyey oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda

$
0
0

 

Afgooye(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in halkaas uu goordhow ka dhacay Qarax Miino oo khasaaro dhaliyey,Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay ku qaadayeen lacago canshuuro ah.

Boosteejada Toora-toorow oo ah halka ay uu ka dhacay Qaraxa Miino ayaa waxaa la tilmaamayaa iney ku sugnaayeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyey 4 ruux oo iskugu jiray Askartii la bartilmaameedsaday iyo dad rayid ahaa oo ka agdhawaa goobta ay ciidanku ku sugnaayeen ee Qaraxa lala eegtay

Dad badan oo ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa loola cararay Ibitaallada magaalada Afgooye halka qaar laga dayrinayo xaaladooda caafimaadne la tilmaamayo in loosoo qaaday Isbitaalada magaalada Muqdisho si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad,ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano ka bilaabay nawaaxiga goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Ciidamada ayaa soo qabqabtay dad badan oo ay ku tuhunsan yihiin iney masuul ka ahaayeen Qaraxa Miino ee lagu weeraray ciidanka dowladda ee ku sugnaa Boosteejada Toora-toorow,masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka ee degmada Afgooye ayaan ilaa hadda ka hadlin Qaraxa Miino ee maanta ka dhacay magaalada Afgooye.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka  Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles