London(RBC Radio) Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay iney caddaaladda horkeeni doonto kooxaha dalkeeda u dhashay ee caadaystay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas,safiirka dowladda Koonfur afrika u fadhiya dalka Ingiriiska oo la hadlayey warbaahinta kadib markii albaabka safaarada Oonfur Afrika ee UK ay soo buuxdhaafiyeen dad Soomaaliyeed oo dhigayey bannaanbax ay kaga cabanayaan dhibaatada Soomaalida ku haysata dalkaas ayaa sheegay iney si aad ah uga xun yihiin tacadiyada dalkiisa loogu geysanayo shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka Koonfur Afrika ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dowladda dalkaasi ay si weyn uga xun tahay isla markaane aysan raali ka ahayn dhibaatada Soomaalida loogu geysanayo gudaha dalkaas,wuxuuna shaaca ka qaaday iney caddaaladda horkeeni doonaan dadka beegsanaya Soomaalida ku dhaqan dalkaas.
Wuxuuna dhanka kale soo dhaweeyey mudaharaadka ay albaabka safaarada uu masuulka ka yahay ay ka dhigeen Soomaalida ka caraysan falalka wuxuushnimada ah ee dalka Koonfur Afrika loogu geysanayo mawaadiniinta Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilayo dalkaas.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dibbad-bax ka dhigay afaafka hore ee ilinka laga galo safaaradda dalka Koonfur Afrika ay ku leedahay magaalada London ee caasimadda dalka UK,waxayna ka dalbanayeen in dowladda dalkaas ay qaaddo tallaabo lagu badbaadinayo nolosha dadka ku sugan dalkaas iyo iney sharciga horkeento dhagar qabayaashii gumaaday shacabka Soomaaliyeed ee dalkooda ku nool.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho