Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xaaladda Kismaayo oo saakey degan

$
0
0

Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ayan saakey wax dagaal ah usan ka jirin kadib markii dagaal u ka dhacay gudaha magaaladda maalinti shaley ahyed.

Wararka anuu saakey ka heleno ayaa inoo sheegaya inay xaaladdu degantahay.

Waxaa magaaladda ka socda holgalo ballaaran sidaa ay inoo xaqiijin qar ka mid ah saarakisha ciidamada ee ku sugan Kismaayo howlgalada ayaa la sheegey inay yihiin kuwo ka dhan ah kooxihi shalay dagaalka lagaley ciidamada maamulka Jubba-land.

Mid ka mid ah saraakisha ciidamada ee Kismaayo ku sugan oo sakey Raxanreeb lahadlay inkasto uu ka gabiyey in magaciisa an shaacino ayaa inoo xaqiijiyey inay sura galtahay in uu dagaal markale uu ka qarxo Kismaayo maadama sida uu sheegey xiligaan ay wadaan abaabul ay ku daanayan sidii ay weerar ugu qadi lahayen kooxihi shaley ladagaalamey.

 

Sidoo kale sargaalkan ayaa inta ku darey in saakey madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Fartaag uu tagey goobaha ay ciidamadu ku sugan yahay isago ku labisan dareska ciidamada.

Dhinaca kale xiriir anu la sameeney shacabka Kismaayo ayaa inoo sheegey dhankooda in ay cabsi la soo daristey shacabka magaaladda islamarka ay xiligaan arkayan ciidamo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo gaf waregaya goobihi uu shaley dagaalku ka dhacey.

Si kasto ay ahaataba dagaalki shaley Kismaayo ka dhacay maamulka Kismaayo waxaa uu ku eedeyey inay ka danbeyen abaabulkisa dowladda fadareelka ah,iyadona afhayenka maamulki KMG ahaa ee Kismaayo Cabdinaasir Seerar uu sheegey in dowladdu xiligan ay qor shenayso in markale Alshabaab ay gacanta u gasho Kismaayo.

Dowladda ayaa iyaduna si isku mid ah uga hadashey dagaalkasi iyadoona madaxda dowladu ay ku baaqen in laga hortago wax kasto dhibaato ukeni kara shacabka Kismaayo ku nool.

Wixii war ah ee ku soo kordha xaaladda iyo jawiga Kismaayo kala soco Raxanreeb.com.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles