Sh/hoose(RBC Radio) Maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay inuu soo dhammaaday qorshe ay ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay kula wareegayaan gacan ku haynta deegaanada gobolka Shabeelaha hoose ee ay wali ka arimiyaan xoogaga alshabaab ee dagaalka kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo idlaaday qorshihii ay ciidamadu ku gaari lahaayeen degmooyinka ka tirsan Shabeelaha hoose oo ay ka mid yihiin Baraawe,Qoryooley,Sablaale iyo Kuntuwaaray oo dhammaantood ka maqan gacanta ciidamada dowladda Soomaaliya.
C/qaadir Siidii ayaa tilmaamay iney soo afjareen qorshihii ay degmooyinkaas kaga saari lahaayeen alshabaab,wuxuuna tilmaamay iney diyaariyeen ciidankii iyo qalabkii fulin lahaa hawlgalka la doonayo in alshabaab looga sifeeyo guud ahaan gobolka Shabeelaha hoose.
Siidii ayaa ku nuuxnuuxsaday in maamulkiisa oo kaashanaya dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya iney ka go’an tahay iney alshabaab ka saaraan dhammaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka shabeelaha hoose ee ay xiligan ku sugan yihiin,wuxuuna wacad ku maray iney alshabaab ka cirib tiri doonaan gobolkaas sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha Shabeelaha hoose ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay gobolkaas kaga sugan yihiin alshabaab ay ka dalbanayaan iney si deg deg ah u gaaraan isla markaane ay ka dulqaadaan dhibaatada alshabaab sida uu tilmaamay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho