Nairobi[RBC Radio]Madxaweynaha dowladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ku sugan magaaladda Nairobi ayaa maantey kulan ballaaran la qatey madaxweynaha maamulka Jubba-land ee dhawan lugu dhisey Kismaayo Axmed Maxamed Islam”Axmed Madoobe”.
Kulaankan ayaa ka dhacey hotelka u Nairobi ka dagan yahay madaxweynaha Puntland waxana ku waheliyey labada madxaweyne R/wasaarihi hore ee dowladdi KMG ahyed Cumar Cabdirashid Cali Sharmake,wasiirkii hore ee gaashaandhigga Prof. Maxamad Cabdi Gaandi iyo guddoomiyaha Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca Sheikh Maxamad Maxamud Yusuf “Aw Libaax”dhinaca dowladda Puntland madxaweyne Faroole waxaa ku waheliyey wasiirka Arrimaha guddaha Puntland gen. Cabdullahi Axmed Jamac “Illkajir”.
Shirkan ayaa intaa uu socdey waxaa la isla soo qadey arrimo kala gadisan kuwaaso ubadana dhismaha maamulka Jubba-land iyo sidii logari laha heer dhamestir ah oo maamulkaasi cagihiisa u isu tagi laha.
Sidoo kale waxaa iyadu wax la iska weydiiyey sida anuu warar hoose ku heleyno qorshihii dowladda fadareelka loga soo kicin laha mowqifkeda didmada ah ee ay xiligaan ka soo horjedo maamulka Jubba-land.
Madaxweyne Faroole ayaa isagu sheegey in marwalba Puntland ay utagan tahay sidii guud ahanba dalka ugu dhaqan gali laha nidamka fadaraalisimka kaaso gobolada dalka awood usinaya inay labadi gobolka maamul ay noqdaaan.
Madxaweyne Faroole ayaa kulan kisaan waxaa uu noqonayaa ki ugu horeeyey ee tan iyo markii lamagacaabey madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaam”Axmed Madoobe” ay wada qaatan.
RBC Radio