Kismaayo[RBC Radio]Dagaalkaan ayaa la sheegey inuu dhexmarey ciidamada maamulka Jubba-land iyo maleeshiyo beeleed.
Dagaalkaan ayaa waxaa uu kadanbeeyey ka dib markii ay maleeshiyo beeleed weerar kusoo qadeen saldhiga booliska oo ku yaala xaafadda Dalcadda,waxana guud ahanba laga maqlayey xaafadda israsaaseynta dhex mareysey labada dhinac.
Wararka anuu ka heleyno dagaalkaasi khaasaraha uu geestey ayaa sheegaya in labo qof ay dhinten halka labo kalana ay dhaawacmen balse lama xaqiijin ciida ay wax ka dhinteen iyo kuwa ay wax ka dhaawacmen.
Dagaalkaan ayaa socdey muddo saacad ku siman balse xiligaan goobti uu dagaalku ka dhacay waxaa xiligaan kusuugan ciidamada maamulka Jubb-land.
Majirto illaa xiligaan cid kahadashey dagaalkaasi balse xiriiro anuu gor dhawed isku deyney inan lasameeno saraakisha Kismaayo ee Jubba-land ayaa inoo sura galiweydey,halka saraakisha qarna ay ka gabsadeen arrintaasi.
Wixii war ah ee kasoo baxa kala soco Raxanreeb.com.
RBC Radio