Gaalkacyo[RBC Radio]Wali dalka Koonfur Afrika waxaa ka socota dhibaatoyinka loo gesanayo dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool kuwaaso ubadan ganacsato.
Dhibaatoyinka kasocda dalkaasi ayaa ah kuwo dadka Soomaalida ah lugu la kacayo dilal fuul xuun oo si arxandaro ah loodilayo ganacsato Soomaaliyed oo dalka ku ganacsata,halka ay jiraan kuwo kale oo iyaguna jirdil xoogan oo ay feer feer socdaal dhac iyo boob logesanayo goobahoda ganacsi.
Arriimahaasi oo maalinba maalinta ka danbeysa sii kor dheysa ayaa waxaa si xun ugu dhiidhiyey shacbiga Soomaaliyed ee ku nool dalka iyo dibadiisaba.
Waxaa maantey nugu soo boqdey xafiiska wararka Raxanreeb.com ee magaaladda Gaalkacyo Uwayes Ahmed Sardheeye oo ka mid ah dhalinyarada ku nool gudaha dalka Soomaaliya gaar ahan magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Uwayes Ahmed Sardheeye ayaa isago wajigisa ay qiro ka muqato waxaa uu sheegey in ay tahay arrimaha lugula kacayo Soomaalida ku ganacsata K/Afrika waxa an wajiga laga qarsan karin oo bini aadan tinimada ka foog.
“Ruunto waxaa an aragno ee lugula kacayo Soomaalida ku nool K/afrika waa wax an wajiga laga qarsan kariin oo arxan daro ah,dawladda K/Afrika waxaan si naxarisleh ugu cadsanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabato dhibaatada lugu hayo dadka magan galyada usoo doontey ee dalkeda ku ganacsanaya,waxan tacsi udiraya anigo ka faa’ideysanaya fursadan ay i siisey shabakada Raxanreeb dhamanba eheladii iyo qarabadi ay ka geryooden dadku lugu laayey K/Afrika”waxaa inta hadalkiisa ku soo qadey Uwayes Ahmed Sardheeye.
South Africa waxaa ay ka mid tahay wadamada ay u cararen shacabka Soomaaliyed iyago ka cararaya dhibaatoyinka aman xumada ah ee dalka ka jirta,waxana xiligaan ka jiro dalkaasi dhibaatoyin lugu bartil maamed sanayo ajaanibta ku nool dalkaaso oo Soomaalidu qeyb ka tahay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Gaalkacyo