K/Afrika(RBC Radio) Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay weerar ku qaaday dukaamo ay dad Soomaaliyeed ku lahaayeen Magaalada Bomolanga ee dalka Koonfur Afrika,burcadda ayaa halkaasi ku dilay 2 wiil oo ka mid ahaa dhalinyaradii dukaamada ku lahaa goobta ay weerareen weeraray.
Burcadda ayaa lasoo sheegayaa iney wiilasha Soomaaliyeed u dileen si arxan darro ah,waxaana la tilmaamay iney Baangad ku jarjareen,dadka Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Bomolanga oo ah halka uu ka dhacay falka Foosha xun ee lagu dilay wiilasha Soomaaliyeed ayaa wal-wal xooggan ka muujinaya dhacdadan oo ugu danbeysay dhacdooyin xiriir ah oo lagu waxyeelaynayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.
Bulshada ku dhaqan magaalada Bomolanga ee gobolka Limbombo ee dalka Koonfur Afrika ayaa tilmaamaya in dilka loo geysan jiray Soomaalidu uu isku bedelay waji cusub oo naxdin leh kadib markii kooxaha burcad Koonfur Afrikaanku ay bilaabeen in dadka Soomaaliyeed ay ku dilaan dhagax ,Baangad iyo waxyaabo la mid ah taasoo muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay cadowtooyada ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed.
Dilka wiilasha Soomaaliyeed ayaa imaanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan tacadiyada ka dhanka ah bini aadaninimada ee Soomaalida loogu geysanayo gudaha dalka Koonfur Afrika,ilaa hadda ma muuqato tallaabo ay qaaday dowladda dalkaas oo ay wax kaga qabanayso dhibaatooyinka isa soo taraya ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho