K/Afrika(RBC Radio) Magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kasoconaya dibad-baxyo ay dhigayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas kuwaas oo ay kaga cabanayaa dhibaatooyinka lagu hayo isla markaane ay dowladda dalkaas kaga dalbanayaa iney qaado tallaabooyin ay wax kaga qabanayso tacadiyada lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.
Dibad-baxayaal aad u fara badan ayaa xiligan hortaagan aqalka baarlamaanka dalka Koonfur Afrika iyaga oo ka dalbanaya in dhibaatada haysata wax laga qabto,qaar ka mid ah bannaanbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Soomaalida ay haysato dhibaato ba’an,waxayna tilmaameen in dowladda dalkaasi ay dhegaha ka furaysatay baaqyada iyo dalabka dadweynaha Soomaaliyeed ee ku aaddan iney ka difaacdo kooxaha caadeystay dhibaateynta Soomaalida.
Dadka dibad-baxyada dhigaya ayaa wata boorar ay ku muujinayaan dhibaatada lagu hayo,waxayna ku qaylinayaan ereyo ay ku dalbanayaan in laga daayo gaboodfallada ba’an ee lagu hayo,mudaharaadyada ayaa ka socda dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika.
Dadka dibadbaxaya ayaa sheegay in dhibaatada lagu hayo ay tahay mid ka baxsan xeerarka caalamiga ah waxayna adduunyada ka dalbanayaan iney arkaan dhibaatada foosha xun ee ay ku hayaan dadka u dhashay dalka Koonfur Afrika.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho