Nairobi[RBC Radio]Wararka anuu ka heleyno magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegeya in kulan qodobo dhor ah la isku mari waayey ay yeeshen madxaweyne Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Xassan Sheikh Mamaxamuud Madaxweynaha Soomaaliya.
Kulankaan ayaa inta uu socdey waxaa la isla soo qadey arrimo dhor ah oo ay ka midyihiin shakigika ku aadan in wax laga badaley dastuurka dowladda Soomaaliya iyo maamul u sameeynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Kulanka ayaa inta uu socdey waxaa la isku mari waayey labo qodob duwanaaday laba qodob oo kala ah dastuurka iyo maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Sidoo kale waxaa laga wada hadley oo labada madaxweyne ay isla soo qadeen xaladda dalka xiligaan guud ahaba ka jirta.
Wali wax faaf faahin ah lagama helin kulanka ay wada qaten madaxweyne Xassan Sheikh iyo madxaweyne Cabdirixmaan Faroole.
Waxaa la filaya in kulamo kale ay wada qataan labada madaxweyne intaa ay ku sugan yihiin magaaladda Nairobi.
RBC Radio