Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday dibad-bax caalamka lagu tusayo falalka cadowtooyo ee lagu hayo Soomaalida ku nool Koonfur Afrika

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in maanta oo Jimce ah la qabto bannaanbaxyo waaweyn oo lagu muujinayo sida ay bulshada Soomaaliyeed uga xuntahay gabood fallada arxan darrada ah ee Soomaalida loogu geysanayo wadanka Koonfur Afrika.

Afhayeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku baaqay in maanta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay dhigaan dibad-bax nabadeed oo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan sida ay uga xun yihiin dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada Koonfur Afrika.

Sheekh Baaruud ayaa sheegay iney muhim tahay in Soomaalidu ay caalamka gaarsiiyaan  falalka wuxuushnimada ah ee ay ku kacayaan dadka u dashay dalkaas,wuxuuna ugu yeeray culimada Masaajidda ka akhrinaya Khudbada Jimcaha iney diirada kusaaraan dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan afhayeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ku booriyey dowladda Soomaaliya iney tallaabo adag oo siyaasadeed ka qaado arintaasi,wuxuuna tilmaamay in wararka naxdinta leh ee maalin waliba kasoo yeeraya dalka Koonfur Afrika ay yihiin kuwo wada dhibaya shacabka ayna uga tacsiyeynayaan dhibaatada gaartay.

Wuxuuna dhanka kale baaq u diray Soomaalida ku ganacsada dalkaas ee martida u noqday dilka,boobka iyo Kufsiga,wuxuuna ka dalbaday iney kasoo hayaamaan Koonfur Afrika isla markaane ay dalkooda kusoo laabtaan.

Sheekha ayaa sheegay iney hubaal tahay Soomaaliya ay Koonfur Afrika kaga wanaagsan tahay dhanka ganacsiga,sidoo kalane ay amni ku helayaan,uuna yahay dhulkoodi hooyo.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles