Muqdisho (RBC) Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa iska diiday in safarkiisii deegaanka Galmudug uusan wax natiijo ah dhalin ka dib markii isaga iyo madaxda maamulka Galmudug ay isku afgaran waayeen sharciyada maamul goboleedkaasi oo dawlada u heysato inuusan buuxin shuruudihii maamulnimo taasoo keentay in deg deg loo soo gabagabeeyo safarkii raysul wasaare Shirdoon ee Gaaalkacyo.
Isagoo maanta shir jaraa’id kula hadlay wariyaasha waxyar ka dib markii galabta [14/03/2013] uu soo dhammaaday shirkii caadiga ahaa ee golaha wasiirada, ayuu raysul wasaare Saacid sheegay inuusan fashilmin socdaalkiisa Galmudug balse ay wadahadalo u socdaan labada dhinac.
“Annaga iyo Galmudug waxaa noo socda wadahadal si qurux badan ku bilawday, haddana gabogabo waqti mucayin ah oo aanu qeexnay lehna aynu ugu bedeli doono qoraal rasmi ah.” ayu yiri raysul wasaaraha.
Waan ka xumahay warka saxaafadda
“Waxaan aad uga xumahay inaan saxaafadda [media] qaarkood ku arkay war oranaya oo aanan qabin inuu meel suran yahay warkaas, safarkii Raysul wasaaraha ee Galmudug waxba kama soo bixin,.. waa ka soo bexeen, afgarad weyn baanu yeelannay oo socda.” ayuu yiri raysul wasaare Saacid oo ka hadlay wararka saxaafadda gudaha ay ka qortay khilaafkii ka dhexshadhay isaga iyo maamulka Galmudug intii uu ku sugnaa toddobaadkan magaalada Gaalkacyo.
“”Marka wadahadalku bilawdo qaarna mudo kooban bay ku dhammaadaan, qaarna usbuuc [week] iyo wax la mid ah ayey qaataan ama la mid ah, duruufta aanu ku shaqeyneyno.. meesha in wadahadalku afgaranwaa uu dhacay ma oolin haba yaraatee.” ayuu ku daray hadalkiisa raysul wasaaraha.
Raysul wasaaruhu wuxuu sheegay in ugu dambeyn 25-ka bishaan Maarso la shaacin doono waxyaabaha ay iskju waafaqeen dawlada federaalka iyo maamulka Galmudug oo ka booday inay keenaan labo gobol oo ay kula midoobaan magaca maamulka Galmudug si loo helo shuruuda dastuurka federaalka qabo ee ah in maamul goboleedka ay ka sameysmi karaan labo gobol iyo wixii ka badan.
“Waa noo socdaa wadahadalkii, afgarad qurux badan baa jira, dhowaana waa gabagabeysi doonaa. Haddii aanan qaldaneyna si cad baanu isula garanay in 25-ka Maarso in mudada ka horeysa in afgaradkayagu u bedelmo qoraal.” ayuu sheegay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Cabdi Qeybdiid oo hadlay
Hadalka raysul wasaaraha ayaa soo baxay saacado ka dib markii madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu shaaca ka qaaday in iyaga iyo raysul wasaaraha ay isku fahmi waayeen sharciyada maamulka Galmudug, ka dib markii raysul wasaaruhu u soo jeediyey in Galmudug ay raadsato maamulada gobolka Galgaduud si ay u hesho labo gobol oo ay ku jirto.
“Wadahadalkii aanu la yeelanay raysul wasaaraha dawlada federaalka waxba kama soo bixin, waxaanu isku afgaran weynay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay deegaanka Galmudug. Anagu waxaanu qabnaa in Galmudug ay ka kooban tahay Mudug iyo Galgaduud oo uu maamulkeedu ka jiro.” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay maalin ka dib markii raysul wasaaruhu ka soo laabtay Gaalkacyo.
Wahadalada uu sheeegay raysul wasaaraha ayaan la ogeyn waxa ay ka bedeli karaan mowqifyada ay kala heystaan labada dhinac ee ku saleysan sharciyada maamul goboleedyada.
Sharaxaada qodobada 48aad iyo 49aad ee dastuurka
Dooda u dhexeysa dawlada federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa u eg mid salka la galeysa dastuurka federaalka oo ah sharciga lagu saleynayo dhismaha maamulada dalka kuwii jiray iyo kuwa cusuba.
Qodobada 48aad iyo 49aad ee Dastuurka cusub ayaa ah kuwa loo daliishado arrimaha federaalka iyo maamul sameynta dalka, waxayna qeexayaan sidan;
Qodobka 48aad (faqradiisa 2aad) waxaa ku qoran sidan;-
“Gobol goonni isu taagi karaa ma jiri karo, inta uu Gobol kale uu kuu biirayo, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaana maamulaysa waxaana waajib ku ah gobolkaas inuu ku biiro gobol kale ama Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka muddo labo sano gudahood ah.”
Qodobka 49aad (faqradiisa 6aad) ayaa sheegeysa sidan;
“Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan fasiraad ka biyey labada qodob ayaa yiri “Lama dhihin labo qabiil iyo wixii ka badan ayaa maamul sameyn kara ee waa labo gobol iyo wixii ka badan..” Iyadoo madaxweynuhu cadeeyay in dawlada aysan aqbali karin in beel kasta ay maamul sameysato.
Laakiin illaa hadda sida loo fasirayo arrimahan ayaa lagu kala aragti duwan yahay, waxaana dad badan ay sheegayaan inay ku haboon tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo saaro xeer si gaar ah u qeexaya qaab dhismeedyada maamul goboleedyada dalka.
W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio-
Email: Cabdallemuumin2@gmail.com