Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Siyaasiga Axmed C/salaan oo ku Dhaawacmay Qaraxii Dhuusamareeb oo Muqdisho Maanta Soo Gaaray

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan  oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Axmed C/salaan ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan  dowlada Soomaaliya, Siyaasiyiin caan ah iyo boqolaal dadweyne ah.

Axmed C/salaan XAaji Aadan ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho saxaafada siiyey hadal kooban oo uu kaga warbixinayo xaaladiisa caafimaad iyo kusoo laabashadiisa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo uu muddo ka maqnaa, isagoo u mahadceliyey masuuliyiintii kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Siyaasiga Axmed C/salaan ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu kusoo laabto magaalada Muqdisho oo ku tallaabsatay horu mar la taaban karo,wuxuuna intaa kadib tilmaamay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan wuxuuna shaaca ka qaaday inuu ka badbaaday shir qoolkii loo maleegay ee lagu doonayey in lagu qaarajiyo.

Siyaasiga ayaa sheegay inuu dareen farxadeed u qabo kusoo noqoshadiisa hoygiisa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan ayaa bishii May ee sanadkii 2012 ku dhaawacmay qarax uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey waxaana goobtaas ku nafwaayey xildhibaaano iyo dad kale oo wax ku ool u ahaa bulshada Soomaaliyeed,qaraxaas ayaa waxaa dusha saartay iney ka masuul ahaayeen ururka alshabaab.

Ujeedada socdaalkiiisa waqtigan

Ilo wareed ku dhow Axmed C/salaan ayaa sheegaya in imaanshihiisa ay la xiriirto qabashada xil ka mid ah xilalka hay’adaha amaanka ee dawlada oo loogu yeeray, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Axmed C/salaan uu mudo dadaal ugu jiray siii uu xil uga heli lahaa dawlada cusub.

Waxaana safarkiisa uu ku soo beegmay xilli dawlada ay bilawday bedelaada saraakiisha ciidamada oo ay ku jiraan laamaha amaanka.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles