Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho (RBC) Shirkadda weyn ee maamusha dekedaha ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta ee la yiraahdo “Dubai Ports World” ayaa shaaca ka qaaday mashruuc lagu mataaneynayo dekedda Muqdisho iyo dekedda Jabal Cali ee wadanka Imaaraadka Carabta.
Mashruucan ayaa la sheegay in dekedda Muqdisho uu ku xirayo caalamka intiisa kale, isla markaana ay fududeyn doonto isu socodka ganacsiga Soomaaliya iyo caalamka uu si fiican kor ugu kaco.
Shirkadda Dubai Ports ayaa sheegtay in dekedda magaalada Muqdisho ay ka hirlineyso qalabka addeegga SIMATIC ee loo adeegsanayo in lagu rogo maraakiibta waaweyn ee sida shixnadaha konteenarada kuwaasoo waqti xaadirkan aan kusoo xiran karin dekedda Muqdisho.
Agaasimaha ku xigeenka shirkadda Dubai Ports Muxammad Al-Mucallim ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in waqti dhow la isku xiri doono dekedaha Muqdisho iyo dekedda Jabal Cali ee wadanka Imaaraadka Carabta iyadoo isu socodka badeecadaha ee caalamka iyo Soomaaliya uu noqon doono mid fudud.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshe lagu doonayo in wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay burcad badeeda ka dilaacday xeebaha Soomaaliya taasoo sii yaraaneysay beryahan si wax loogu qabto dadka Soomaalida gaar ahaan dhanka horumarinta, waxaana mashruucan maalgelineysa dawlada Imaaraadka Carabta.
“Iyadoo uusan jirin qalabka adeegga maraakiibta konteenarada sida, ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho waxay badeecadahooda ku soo qaadan jireen maraakiibta yar yar, laakiin hadda waxay awoodi karaan inay maraakiib waaweyn soo rartaan.” ayuu yiri agaasime ku xigeenka Shirkadda Dubai Ports.
Waa markii ugu horreysay oo mashruuca adeegga SIMATIC la sheego in laga hirgalinayo deked ku taalla Soomaaliya iyadoo dekedda Jabuuti ay tahay tan kaliya ee ugu dhow Soomaaliya ee ay ku soo xiran karaan maraakiibta waaweyn waqtigan.
Dawlada federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inay ballaarin iyo dayactir ku bilaabeyso dekedda Muqdisho, waxaana sidoo kale dawladu ay sheegtay inay bilaabatay dhoofinta xoolaha oo dekedda laga dhoofinayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho