Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Amnesty International oo Golaha Amaanka ka Dalbatay Inaan Soomaaliya Laga Qaadin Xayiraada Hubka

$
0
0

US(RBC Radio) Hay’ada amnesty intrnational ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa golaha amaanka ee qaramada midoobe uga digtay iney qaadaan xiyiraada hubka ee saaran Soomaaliya taasoo la filayo in maalinta arbacada ah ay 15-ka xubnood ee golaha amaanka isku raacaan 1 sano oo tijaaba ah laga qaado Soomaaliya cunaqabeynta hubka si ay dowlada Soomaaliya fursad ugu hesho dib u dhiska ciidankeed  si ay uga adkaadaan ururka alshabaab ee ay dagaalka kula jiraan.

Hadii la qaaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya waxaa suurta gal ah in hubkaasi uu gacanta u galo dadka shacabka ah ama kooxaha dagaalka ka wada Soomaaliya taasne waxaa ka dhalan kara qatar iyo dhibaato bini aadanimo oo ka dhacda dalka Soomaaliya ayuu yiri Gemma Davies oo ah baare hay’ada Amnesty u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Soomaaliya oo ay in ka badan 20 sano saarneed cunaqabateynta hubka ayaa waxaa ku qulqulayey hub fara badan oo gacanta u galay kooxo maleyshiyaad ah taasoo sii murjisay xaaladaha bani aadaninimo ee ka jira dalka Soomaaliya,hadii xiligan la qaado cunaqabeynta hubka Soomaaliya waxaan shaki ku jirin in arimaha aadaninimo ay cirka isku sii shareerayaan hubka soo gala Soomaaliyane uu sii hurin doono arinta ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Gemma Davies.

Dowlada Soomaaliya ayaa qaramada midoobe ka dalbatay in gabi ahaanba la qaado xayiraadka hubka ee  lagu soo rogay Soomaaliya sanadkii 1992 waxaana rabitaanka dowlada Soomaaliya si weyn ugu ololeynaya dowlada Mareykanka oo 15-ka xubnood ee golaha amaanka ku qalqaalinaysa iney ansixiyaan soo jeedinta dowlada Soomaaliya,iyadoona wadamada Ingiriiska iyo Faransiisku ay si weyn uga walaacsan yihiin in xiligan la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles