Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa qaar ka tirsan Ardayda Dugsiyada sare wax ka barta, gaar ahaan Shan Dugsiyada sare ee ay dawliga ah ee Hargeysa ku yaalla.
Ardayda uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku qaabbilay madaxtooyada waxa horkacayey Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, waxaanay Wasiirka oo hadlkaas ka hadashay ay Madaxweynaha u sheegtay inay Ardaydani ka kala socdaan Dugsiyada sare ee dawladdu gacanta ku hayso ee kala ah Dayib-guray, Maxamuud Axmed Cali, Faarax Oomaar iyo 26-June. Waxaanay Wasiirku xustay inay Ardaydu doonayaan inay wax ka ogaadaan qaab-dhismeedka iyo sida ay u shaqayso qaybaha ay madaxtooyada Somaliland ka kooban tahay.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna ardayda la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Ardayda dugsiyada sare ee booqashada ugu tagay maanta, isla markaana uu si farxad leh ugu soo dhawaynayo qasriga madaxtooyada. Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee Madaxweyne Somaliland ahi qaabbilo arday ka socota dugsiyada sare ee Somaliland ka jira, taasina ay u tahay farxad gaar ah, maaddaama uu nasiib u yeeshay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey Somaliland ee qaabbila Arday ka socota dugsiyada sare ee dawliga ah.
“Aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynayaa waa markii u horeysa dhalinyar idinka oo kale ah timaado madaxtooyada, isla markaana aad daawanaysaan habka iyo nidaamka loo shaqaynayo, waxaanay taasi muujinaysaa in dalkan la wada leeyahay.” Sidaa ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.
Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo oo hadalka uu ardayda u jeediyey maanta sii wataa yiri; “Halkan kollay qaar idinka idinka mid ah uun baa fadhiisan doona Insha Allaah goortay doonto ha ahaatee, Somaliland idinka ayaa leh mustaqbalkiisiina waad tihiin. Markaa, aad baan idiinku soo dhawaynayaa Xafiiska madaxtooyada.”
“Madaxtooyadu waa madaxtooyadiinnii, Madaxweynuhu waa Madaxweynihiinnii, Wasiirradu waa Wasiirradiinnii, Masuuliyiintu waa Masuuliyiintiinnii Berri idinku wareejinayey idinka xilka iyo masuuliyadda. Markaa cidda ay meeshani sugayso mustaqbalka waa idinka, waa ardaydiinnan, sidaa u ogaada inaanay cidi Somaliland idinka lahayn.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Xubno Afka Ardayda ku hadlayey oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa aad ugu mahad-celiyey Madaxweynaha Somaliland qaabka uu u qaabbilay awgeed iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan oo ay xuseen inay kulankan Madaxweynaha u suuragelisay. Waxaanay Xubnaha Ardayda u hadlay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin la kulanka Madaxweynaha oo ay tilmaameen inay tahay markii ugu horreysay ee ay Madaxweyne Somaliland hoggaamiya sidan oo kale ula kulmeen, soo dhawayn fiicanna ka helaan.
Agaasimaha Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar oo uu weheliyo Afhayeenka madaxweynuhu, ayaa Ardayda iyo Macallimiinta la socday faahfaahin ka siiyey qaabka ay Xafiisyada madaxtooyadu u shaqeeyaan iyo waaxya ay u kala qaybsan yihiin, iyaga oo sidoo kale mid-mid u geeyey qaybaha dhismayaasha ay madaxtooyada Somaliland ka kooban tahay.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidan oo kale ugu qaabbilo xarunta madaxtooyada tan iyo intii uu xilka qabtay, waxaanay noqonaysaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Somaliland hoggaamiyaa kulankan oo kale ku qaabbilo Arday ka socda dugsiyada sare sida uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo sheegay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka ee Hargeysa.