Muqdisho (RBC) Madaxda dawlada federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in isbedelka lagu bilaabay talisyada ciidamada iyo hoggaanka ugu sarreeya saraakiisha ciidamada uu socon doono illaa inta dhammaan hoggaanka ciidamada laga wada bedelayo.
Xaflad lagu sii sagootinayey saraakiisha militariga ee xilka laga qaaday shalay Gen C/qaadir Cali Diini iyo Gen C/kariin Yuusuf Dhegabadan, laguna soo dhoweynayey kala ah taliyaha ciidamada Xoogga Dalka iyo Abaanduulaha ciidamada militariga oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu shaaca ka qaaday in dawlada ay ka go’an tahay inay meelmariso qorshaha isbedelka oo uu sheegay inuu hadda ku bilawday madaxa ciidamada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maadaama dawlada laga qaaday xayiraada hubka ay ku jirto tijaabo caalami ah oo ay adkaan doonto in la helo markale haddii tan lagu guuldareysto. Wuxuuna madaxweynuhu tilmaamay in helista ciidan asluub iyo anshax leh kuna saleysan ciidan “qaran” oo Soomaali oo dhan u dhexeeya ay tahay mida kaliya ee dawladiisa lagu aamini karo.
Sidoo kale raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa caddeeyay in bedelaada hoggaanka ciidamada uu socon doonto, taasoo bannaanka soo dhigtay qorshe ay dejisay dawlada oo la xiriira in la bedelo dhammaan madaxda hogaamisa ciidamada kuwaasoo intooda badan shaqada loo dhiibay xilligii dawladii ku-meelgaarka ahayd.
Waxaana beryahan la hadalhayey saraakiisha lagu wado in shaqada laga fariisiyo kuwaasoo mudo ay isa soo tarayeen eedeymo ka dhan ah oo loo jeedinayo, waxaase jira saraakiil si weyn dadka isu weydiiyeen sababta xilalka looga qaaday maadaama ay si weyn ugu soo dhabar adeygeen amni ku soo celinta magaalada Muqdisho iyo gobollada koonfurta ee dalka.
Saraakiisha xilalka baneyn doona
Wareegtooyin xilalka looga qaadayo saraakiisha taliska nabadsugida, booliska, asluubta iyo dembi baarista (CID) ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda madaxtooyada laga soo saaro kuwaasoo la soo gabagabeeyay wadatashiyo ku aadan xil wareejintooda.
Ilo wareed ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa Raxanreeb u sheegay in madaxweynaha uu qorsheynayo in la hormariyo xilka qaadista taliyaasha booliska iyo dembibaarista (CID-da) kuwaasoo mar hore la keenay raggii bedeli lahaa.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmahan ku soo qulqulayey rag horey uga tirsanaan jiray ciidamadii xoogga dalka oo sanadihii dagaalada sokeeye ku maqnaa dibadaha iyo rag sharci yaqaano ah oo ay dawladu ugu yeeratay inay u dhiibto hay’adaha garsoorka sida maxkamadaha, xabsiyada iyo xeer ilaalinta oo ah meelaha ugu weyn ee dadku ku eedeynayaan caddaalad darro inay ka jirto.
Waxaa jira warar sheegaya in dawlada ay sidoo kale rabto in la isu dheelitiro awood wadaaga qabiilada iyadoo saraakiisha xilalka ciidamada loo dhiibayo ay noqon doonaan ama ka iman doonaan qabiilada aan helin jagooyinka wasiirada ama cabashadooda ku badan tahay xafiisyada madaxtooyada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho