Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Tababar usoo dhamaaday Wakiilada Gudiga doorashooyinka u matali doona Gobolada Puntland (Sawirro).

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Wakiiladan oo gaaraya 72 isugu jira Rag iyo dumar ayaa waxay ka socdeen Gobolada  Bari  Karkaar Sanaag iyo Hay-Land waxaana usoo dhamaaday Tababar 3maalin ah oo lagu barayay habka ay ula shaqeynayaan Gudiga Doorashooyinka iyo hawlaha ay ka qabanayaan gobolada iyo degmooyinka ay wakiilka ka yihiin, waxayna sahqadooda si xoogan u bilaabanaysaa xiliga Doorashooyinka inkastoo ay sidoo kale ka qayb qaadan doonaan Tirakoobka laga wado Deegaanada Puntland ee la xiriirta Doorashooyinka golaha Deegaanka Puntland.

 

Wakiiladan ayaa lagu dhaariyay Hotelka Rug-San ee Magaalada Garoowe si ay waajibaadkooda si daacad ah ugu gutaan una qabtaan hawsha uu u xilsaaray Gudiga Doorashooyinka waxayna u badanyihiin Dhalinyaro, Maxamed Xasan Barre Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Kumeel Gaarka ah ee Puntland ayaa Wakiiladan ku booriyaya in aysan dhalyalsan Dhaarta la mariyay qof walbana wuxuu bartay uu dib ugula laabto Deegaankii uu ka yimid dadkana ka dhaadhiciyo Dimuqraadiyada iyo u Diyaargarowgeeda.

Gudoomiyuhu wuxuu dhalinyarada u sheegay in shaqada ugu badan ay iyaga qaban doonaan Muhiimadana ay tahay in ay dhexdhexaad,dulqaad iyo Hawlkarnimo ay la yimaadaan sidookalena ay iska ilaaliyaan qabyaalada isagoo cadeeyey in Gudiga doorashooyinku uu taageeridoono si hawshooda ay ugu madaxbanaanaadaan, wuxuu ka digay Gudoomiyuhu in Wakiiladan sidi wax loo baray aysan ugu firfircoonaan sida loo aaminayna aysan noqon, isagoo bedelkeed taa codaday in ay waxtar iyo kalsooni la yimaadaan.

7ka soo socda ayaa iyagana Tababar loo furi doonaa Wakiilo Gobolada Nugaal, Mudug, Sool iyo Cayn u matala Gudiga Doorashooyinka Shaqooyinka hoosena qabta inkastoo ay Dumarka aad ugu yaryihiin hadana Gudigu waxay tibaaxeen in ay yihiin dad lagu kalsoonaan karo dhex-dhexaadna u noqon doona 6da Urur siyaasadeed ee Puntland ka jira.

 

 

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

 Xafiiska Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles