Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaramada Midoobay oo Sheegtay iney sii kordhayaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu noqonaya

$
0
0

 

New York(RBC Radio) Hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga adduunka ayaa ku sheegtay  warbixin ay soo saartay  iney sii kordhayaan Qaxootiga  Soomaaliyeed ee dib ugu  laabanaya dalkooda  kuwaas oo mudda badan  Qaxooti ku ahaa dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya,Ethipio,Jabuuti iyo Yaman

Hay’adaa Qaxootiga adduunka  UNHCR iyo xafiiska isku dubaridka gargaarka Aadanaha Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah uga hadlay soo laabashada Qaxootiga Soomaaliyeed,waxayna sheegeen in tani ay marqaati u tahay horumarka dhanka amniga ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Warbixinta UNHCR  ayaa lagu sheegey in dad gaaraya ilaa 18-kun   oo ruux kuwaas  oo Qoxooti ku ahaa wadamada deriska la ah Soomaaliya iney  dib ugu noqdeen dalkooda Soomaaliya,markii ay dareemeen horumarka bilowga ah ee laga gaaray dhanka amniga.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon oo ka hadlayey shirka horumarinta qaaradda Afrika TICAD ee kusoo gabagaboobay Yokohama Japan ayaa ku booriyey beeshaa caalamka sidii ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen dib usoo celinta boqolaalka Kun oo Qaxootiga Soomaaliyeed,kuwaas oo intooda badabn ku dhibaataysan xeryaha Qaxtootiga dalalka Kenya iyo Yaman

Soomaaliya ayaa lambarka 3-aad kaga jirta wadamada ugu Qaxootiga badan waxaana ka horeeya oo kaliya wadamada Ciraaq iyo Afgaanistaan,dadkan Soomaaliyeed ayaa dalkooda kasoo baxsayaday markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee dalka ka bilowday horraantii Sagaashamaadkii,waxaana maalin walba dalka ka cararayey dad Soomaaliyeed oo u adkeysan waayey dhibaatada dagaalada dalka ka socday.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles