Muqdisho(RBC Radio) Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney maanta u fariisanayso qaadista dacwad loo haysto eedeysanayaan badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka,xeer ilaaliyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka xoogga dalka ahna afhayeenka Maxkamadda C/llaahi Maxamed Muuse ayaa sheegay iney maanta maxkamadi qaadeyso dacwad ciqaabeedka loo haysto eedeysanayaal badan oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya kuwaas oo loo haysto eedeymo kala duwan.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in eedeysanayaasha maanta loo madlan yahay in maxkamadda ciidanka qalabka sida la hor keeno ay intooda badan ku eedeysan yihiin danbiyo la xiriira, dil,dhac,kufsi iyo alshabaabnimo,wuxuuna tilmaamay in maxkamadda ciidanka ay ka go’an tahay iney sharciga marsiiso askartii dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.
Xeer ilaaliyaha ayaa la weydiiyey sababta xukunka loogu fulin waayey danbiilayaal dhowr ah oo hore ay maxkamaddu u xukuntay kuwaas oo aan wali lagu fulin xukunnadii lagu riday,wuxuuna tilmaamay in arimahasi ay jiraan,wuxuuna u aaneeyey iney jiraan wadahadalo u socda qoysaska dhibanayaasha iyo dadka ehelka la ah danbilayaasha.
C/llaahi Maxamed Muuse ayaa sheegay in maxkamaddu ay tixigalinayso heshiisyada ay ku heshiiyaan ehelada dadka ay dhibaatadu kala gaartay sida ay diintu qabto,wuxuuna tilmaamay in tallaabooyinka maxkamadda ciidanka qalabka sida ay hoos u dhigtay dhibaatadoo shacabka loo geysan jiray.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho