Muqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegtay iney gacanta ku hayaan askar ka tirsan Ciidanka AMISOM sida lagu sheegay war la soo dhigay bogga ay alshabaab ay ku leeyihiin Barta Internet-ka gaar ahaan aalladda ay bulshadu ku wada xiriirto ee Twitter-ka,alshabaab ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan askar ka tirsan hawlgalka AMISOM kuwaas oo u dhashay dalka Uganda.
Warka ay alshabaabku soo dhigeen barta Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in askartan oo mid kamid ah uu yahay sarkaal ay gacanta ku dhigeen dabayaaqadii bishii dammaatay,waxayna tilmaameen iney kusoo qabteen dagaal ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Alshabaab ayaa ku sheegay warka ay soo dhigeen barta Internet-ka iney dhawaan soo bandhigi doonaan sawirrada askarta AMISOM ee ay gacanta ku hayaan,warkan kasoo baxay alshabaab ayaa imaanaya xilli shabaabku ay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe kusoo bandhigeen 2 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya kuwaas oo ay kasoo qafaasheen deegaan ku yaalla soodinta labada dal oo ay alshabaab ku qaadeen weerar abaabulan.
Ma jiro wax war ah oo ay ku beeninayaan ama ay ku xaqiijinayaan warka alshabaab ee ku aaddan iney afduubteen askar ka tirsan AMISOM kaasoo kasoo baxay taliska AMISOM ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho