Gedo(RBC Radio) Wararka ka imaanaya deegaanka Faxfax-dhuun ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in halkaas uu xalay markale ka dhacay dagaal daba socday kii shalay ka dhacay deegaankaas kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda Soomaaliya ee gacanta ku haya deegaankaas iyo xoogaga alshabaab oo dagaal ku qaaday deegaanka Faxfax-dhuun.
Afhayeenka ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo Warfaa Sheekh Aadan oo warnbaahinta la hadlayey ayaa tafaasiil ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaalka,wuxuuna sheegay in xalay ay deegaanka weerar qorsheysan kusoo qaadeen koox yar oo ka tirsan alshabaab sida uu tilmaamay kuwaas oo uu sheegay iney magaalada soo galeen iyaga oo iskula socda Laba laba ruux si dhuumaalaysi.
Warfaa ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ay dagaal kala hortageen kooxdii weerarka soo qaadday,wuxuuna tibaaxay iney dagaalka ku gaarsiiyeen jab culus,isagoona sheegay iney dagaalka ku dileen 7 kamid ah kooxdii weerarka soo qaadday dhaawac intaa ka badane ay gaarsiiyeen.
Afhayeenka ciidanka dowladda ayaa sheegay in dhankooda ay dagaalka kaga geeriyoodeen 2 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,wuxuuna intaa raaciyey iney kooxdii weerarka soo qaadday ay magaalada ka saareen xiliganne ay ku daba joogaan firxadkoodii sida uu sheegay Warfaa Sheekh Aadan.
Warfaa ayaa wacad ku maray in ciidanka dowladda Soomaaliya ay maalmaha soo socda gaari doonaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo halkaas oo uu sheegay in alshabaab ay ku leeyihiin saldhig weyn oo ay kasoo abaabulaan dagaalada ay kusoo qaadaan deegaanada ay dowladdu gacanta ku hayso ee gobolka Gedo,alshabaab ayaan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkaas.
RBC Radio