Waxtarka kala guursiga
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Juunyo 04 2013
Diinta islaamku guurka waxay ka leedahay ujeeddooyin waaweyn oo la doonayo in lagu xaqiijiyo, waxaana ka mid ah in lagu xoojiyo xiriirka bulshada. Ninkii reer gabar ka guursada wuxuu la noqonayaa xidid, gabadha asalkeeda iyo faraceeduba waxay u noqonayaan maxram daa’im ah.
Ilmaha gabadhaasi dhasho waxay reerka hooyadood ku yeelanayaan awoowe, ayeeyo, abti, habaryar, ina abti, ina habreed iwm. gabadha tolkeed oo dhana waxay u noqonayaan reer abti.
Xiriirka xididnimada Ilaahay wuu inaku galladaystay, Soomaalida dhexdeedana qiime weyn buu ka leeyahay. Waxay ku magacaabeen XIDID. Ogow dadka xiriirkaas dhex maray sida xididku dhulka ugu faafay, uguna fogaaday aya isu dhexgaleen, isuguna dheeraadeen.
Waxyaabaha soo qaadista mudan waxaa ka mid ah inay Soomaalidu mashaakilka adag ku xalliyaan xididnimada. Labada qoys oo dhib kala gaaro kala magashada ka sokow waxaa la isa siiyaa gabdho GODOBTIR ah. Taa macneheedu waxaa weeye dhibtii dhacday waxa kaliya oo lagu illaawi karo waa xididnimada. Waxay dheheen: “meeshii xinjir ku daadato xab baa lagu daadiyaa” .
Maalin dhaweyd ayaa gaari shil ku galay tuulada KHAYR LAGU DHAL oo Garowe iyo L/caanood u dhaxaysa. Dhaawixii ayaa la keenay Isbitaalka Garowe. Dhaawaca waxaa ka mid ahaa inan reer Boorame ah. Isaga ayaana dadka dhaawaca ah ugu booqasho iyo ciidan badnaa marka laga reebo Sheekh Cilmi oo ahaa maamulaha Mac-hadka Al-faaruuq ee Gaalkacyo.
Gabar ka mid ah dadkii la joogay ayaan ku iri: maxaad isu tihiin wiilka?. Waxay iigu jawaabtay: eeddaday ayaa dhashay. Waa hubaal haddii la wada waraysto dadka faraha badan ee dul dhoobnaa inay noqon lahaayeen xidid ama xigaalo. Ninkaas isaga oo deegaankiisii aad u fogyahay ayaanu Garoowe nina marti ugu ahayn oo ehelkiisii buuxaa.
Hadda ka hor waxaa la iiga waramay laba reer oo dagaal dhexyalay oo qolo abaari ku dhufatay, dantuna ay ku kalliftay inay deegaankii reerkii kale nafta la aadaan. Dadkii iyo xoolihii ayaa soo galay, ka dibna dad wax ma garato ah ayaa ku qamaamay; si ay u dhibaateeyaan. Ka dibna magaaladii ayaa qaybi dhankooda ka soo safatay. Dadkaas la safanaya waa ku jiraan dad aan qaraabo la ahayn oo samajecle ah laakiin tirada u badani waa gabar meesha lagu qabo, nin ka qaba, nin ay reer abti u yihiin iwm.
Haddaba soomaaliyeey beryahaan guur hoosaadka ayaa bataye bal kan kalena hala kordhiyo; si loo xoojiyo xiriirka dadkeena ka dhexeeya.
Axmed C/samad
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM