Ancara(RBC):- Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayey oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku joogay waddanka Turkiga, ayaanay u suuragelin inuu la kulmo Raysal-wasaaraha Turkiga oo uu hore Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland u sheegay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo kulan gaar ah la yeelan doono Raysal-wasaare Rejab Deyib Erdogan.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa markii Wafdiga Madaxweyne Axmed-Siilaanyo gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Turkiga oo isagu Weftiga Madaxweynaha marti-qaad u soo fidyey kulan gaar ah yeelan doonaan, isla markaana kaga wadahadli doonaan arrimo badan oo kala duwan, hase-yeeshee, kulankaas ayaa baaqday, waxaana Raysal-wasaaraha beddelkiisa Madaxweyne Siilaanyo la kulmay Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Professor Ahmet Davuto?lu.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi oo kulankaas faahfaahin ka bixiyey, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa maanta Wasiirka arrimaha dibedda Turkigu ku qaabbilay Qado-sharaf uu maanta ugu sameeyey magaalada Ancara ee Caasimadda dalkaas oo Weftigu ku sugan yahay. Waxaanu Dr. Maxamed Cabdillaahi intaa ku daray oo uu sheegay inay Madaxweynaha iyo Wasiirku arrimo door ah kaga wadahadleen kulankaas, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Turki, kor u qaadista caawimooyinka Turkigu Somaliland siiyo, nabadgelyada iyo qodobbo uu xusay inay Mandaqadda geeska Afrika iyo Soomaalida-ba quseeya.
Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo la weydiiyey sababaha uu u baaqday kulan uu isagu hore u sheegay inay wada-yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Turkiga, ayaa waxa uu Wasiir Maxamed Cabdillaahi sheegay in Raysal-wasaaraha Turkigu xanuunsanayo waqtigan, sidaa daraaddeedna aanay suuragal noqonayn inay kulmaan Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaruhu.
“Sida Warbaahinta Turkiga maanta iyo shalay-ba ku soo baxday, Nasiib-darro Raysal-wasaaraha dalka Turkigu wuxu immika ku maqan yahay Xanuun iyo fasax aanay Dhaqtarradu u oggolayn inuu hawsha Xafiiskiisa ku soo noqdo. Sidaa awgeed, noo suurageli mayso inaannu la kulanno, inkasta oo nala siiyey fursad inaannu sugno inta uu ku soo noqonayo Xafiiska, haddana Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Biniin oo isna halkan (Turkiga) ku jooga booqasho waxa u suurageli weyday inay la kulmaan Raysal-wasaaraha xanuun awgeed. Markaa, waxaannu u rejaynaynaa in Illaahay caafimaad siiyo.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Waxaanu Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland sheegay inay rejaynayaan inay Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Turkigu Safarro kulammo yeelan doonaan waqtiyada soo socda safarkan ka dib, isaga oo xusay inay Masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga ku casuumeen inay yimaaddaan Somaliland, sidoo kalena Turkiga Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayaa waqtiyada soo socda mar kale ku tagi doonaan dalka Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in baaqashada kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal-wasaare Erdugan ku timi xanuunka uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland sheegay iyo inay baaqashadaasi la xidhiidho arrimo siyaasadeed. Waana markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayaa booqashadan oo kale ku tagaan waddanka Turkiga.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.