Tripoli [RBC Radio]Isbitaal kuyaala magaaladda Tripoli ee dalka Libya Waxaa la dhigay maydka labo dhalinyaro Soomaali ah ku wasi oo ay socdaan baritaano ku aadan dhimashadooda waxa ay sabbabsatay.
Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa ka warbixiyay geerida labadan dhalinyarada ah oo ku geeryootay dalkaasi waxana uu sheegay in dhalinyaradaan geeryootay ay labo maalin kahor soo gareen magaaladda Tripoli ayna caafimadkodu uu wanagsana balse mudo ku simaan labo maalin oo ay ku sugnaayen Tripoli ayaa waxa ay sheegten xanuun ka haya caloosha iyo feeraha.
Cabdiqani Waceys ayaa intaa ku daray in ilaa xiligaan an la’aasin labada dhalinyarda ah ee geeryootay isagoona sabbabta ku micneeyay in ay socdaan baaritaano ku aadan ay ay sabbabta geeridooda ka danbaysay,waxana uu intaasi ku daray inuu jiro shaki ku aadan in dhalinyaraadan ay jirdil xoogan ay ugeesten kooxo dalkaasi uu dhashay oo dadka soo galootiga ah dhibaato ugaysta.
“Labadan dhalinyarada wali lama’aasan waxana dhakhaatirta ay wali baarayan waxa ay ensaden ama ay ugeeryooden Tripoli labo maalin kahor ayey yimaden waxana ay joogen labo maalin oo kale sida ay inoo sheegen dad ay la joogen dhalinyaradan waxa ay sheegen in ay sheegten xanuun caloosha ay ka dareemayaniyo feeraha oo ay xanuun kadaremayen ,inkasto ay caafimadkooda umuqday mid ficaan xiligaasna si caadi ah ayey uu sheekenayen”waxaa intaasi warbaahinta usheegay Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya Cabdiqani Maxamed Waceys.
Safiirka ayaa warbaahinta usheegay magacyada dhalinyaradaan geeryootay waxana uu ku kala magaacab Cabdi Fitaax Xuseen halka kan kalana uu kusoo gaabiyay Daa’ud.
Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa waxa kalo uu faah faahin kabixiyay xaladda dadka Soomaalida ah ee Libya ku nool waxana uu si cadd usheegay in dhibaatada dadkaasi haysata aytahay mid si joogta ah u dhacda oo an ahayeen mid xiliya dhaca balse waxaa uu ku ceel celiyay inay dhibatada iyo dhacdooyinka ay lakulmaan ay tahay mid si jogta ah ugu dhacda.
Dhinaca kale Cabdiqani Waceys ayaa waxaa uu baaq u diray shacabka Soomaaliyed gaar ahan kuwa damacsan inay soo aadan dalka Libya waxana uu ugu baaqay inaysan ku hamin aadida Libya maadama sida uu sheegay qatar badan ay kajirto dalkaasi.
“Waxan marwalba ku ceel celiyaa in dadka Soomaaliyed oo uu badan dhalinyaro inay joojiyan imatinkooda ay imanayan Libya wxaa ka tagan dhib kii ugu xuma maalin walbana waxan kasoo kaxena dalkaasi dhalinyaro Soomaaliyed kuwaasi oo u dulqaadan waa yey dhibta ay kala kulmayan Libiyanka,waxan sigaar ah ula hadlaya Waalidinta Soomaaliyed iyo Qurbo-jogta inay joojiyan lacagaha iyo caawinada ay u samaynayan dhalinyarad soo adaysa Libya”Safiirka ayaa hadalkisa ku sheegay.
Si kastaba waxa libya si joogta ah u aada dhalinyaro Soomaaliyed kuwaasi oo saxaraha umara waxana ay dhalintasi ku hamiyaan sidii ay ugari lahayeen wadamadda Reer Galbeedka si ay u helan nolasha ka badal tan taala dalkooda Hooyo,inkasto xiliyada ay u safrayan dhibbadan kala kulmaan waxana maalin kasta lasoo sheega gerida qarkamid ah dhalinyarada Soomaaliyed ee u safra Libya.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio xafiiska Wararka Gaalkacyo