Hargeysa(RBC):- Xisbiga mucaaridka ah UCID, ayaa Guddiga doorashooyinka Somaliland uga jawaabay qoraal ay toddobaadkan bilawgiisii u kala direen Xukuumadda, gaar ahaan Madaxweynaha, Xisbiyada siyaasadda iyo Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, kaasoo ay ku dalbanayeen in ku-talo-gal iyo qorshe laga yeesho diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ee sannadaha soo socda.
Hase-yeeshee, War-saxaafadeed uu galabta soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayuu ku sheegay inuu jiro Tiro-koob guud oo lagu samaynayo dadka reer Somaliland, kaasoo uu sheegay inay wadaan Wasaaradaha Qorshaynta iyo Arrimaha gudaha Somaliland, sidaa daraaddeed, ay habboon tahay inay Guddiga doorashooyinku la xidhiidhaan Wasaaradaha hawsha tiro-koobka gacanta ku haya.
Qoraalka uu Cali-guray maanta soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska wararka ee RBC (Raxanreeb.com) ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:- “Ujeeddo: Jawaab-celin Nuqulkii ku-talo-galka diiwaangelinta iyo doorashooyinka soo socda:
Illaa iyo hadda annagu warka aannu haynaa waxa uu sheegayaa in lagu jiro qorshaynta tiro-koob guud (Civil rejistration), kaasoo sida aannu ognahay ay Wasaaradda Qorshayntu gacanta ku hayso.
Haddaba, Guddiga doorashooyinka Somaliland waxa aannu u sheegaynaa in aannaan illaa iyo hadda ka haynin wax macluumaad ah oo ku saabsan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Sidaa daraaddeed, waxaannu idin leenahay la xidhiidha Wasaaradda qorshaynta oo tiro-koobkaa wadda, Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xukuumadda-ba.
Ugu dambayntii waxaa dahwaan labada Aqal ee Baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelkii Xeerka diiwaangelinta taasoo aannaan illaa hadda hubin in Madaxweynuhu saxeexay.”
Warkan ka soo baxay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ka dambeeyey qoraal ay Guddiga doorashooyinka Somaliland u kala direen Madaxweynaha, Xisbiyada siyaasadda, Golayaasha Baarlamaanka Somaliland, kaasoo ay ku dalbeen in loo baahan yahay in qorshe deg-deg ah laga yeesho diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee sannadaha soo socdo la rejaynayo.
Hase-yeeshee, Xukuumadda iyo Xisbiyada kale ee KULMIYE iyo WADANI, ayaan iyagu weli ka hadal qoraalkaas, waxaanu UCID noqonayaa Xisbigii ugu horreeyey ee si cad uga jawaaba qoraalka Guddiga doorashada.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.