Maamulka degmada Waaberi ayaa ka war bixiyey weerar xalay lagu qaaday guriga gudoomiyaha degmada Waaberi uu ka dagan yahay degmadaas gudoomiyaha degmada waaberi Axmed Amyre Makaraan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen agagaarka hoyga uu ka dagan yahay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Gudoomiye makaraan ayaa sheegay in qaraxaasi aysan wax dhibaata ah kasoo gaarin eheladiisa,ilaaladiisa iyo dadka deriska la ah aqalkii marka laga reebo dhaawac soo gaaray ruux uu sheegay inuu ka mid ahaa dableydii qaraxa fuliyey oo gacanta lagu soo dhigay,wuxuuna intaa ku daray in isku daygaasi ay fashiliyeen ciidamada amaanka degmada.
Axmed Mayre Makaraan gudoomiyaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in falalka nuucaas ah aysan waxba u dhimeen sugida amniga iyo horu marka ay degmadu ku talaabsaneyso wuxuuna shaaca ka qaaday iney sii laban laabayaan sigida amniga degmada isla markaane ay ka hortagayaan cid kasta oo faraha kula jirta falal lagu qalqalgalinayo amniga degmada.
Taliyaha saldhiga degmada Waaberi C/fataax Sabriye ayaa isne sheegay in ciidamada booliska degmada Waaberi ay ku guuleysteen iney gacanta kusoo dhigaan mid ka mid ah kooxihii bamka ku tuuray guriga gudoomiyahaiyo Bam -gacmeed uu sheegay inuu watay isagoona intaa raaciyey iney ku daba jiraan rag kale oo la shaqeynayey ninka la qabtay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho