Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafti ka Socda Dowlada Ingiriiska oo Muqdisho soo Gaaray Kulamane la Qaatay Madaxda Dowlada Soomaaliya

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Wafti ka socda dowlada Ingiriiska oo maanta soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa wada hadalo la yeeshay madaxda dowlada Soomaaliya waftiga oo uu hogaaminayo agaasimaha dowlada Ingiriiska u qaabilsan bariga Afrika,waftiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Fowziya Yuusuf ayaa markii uu kulanku soo idlaaday uga warbixisay waxyaabihii ay ka wada hadleen waftiga ka socda dowlada Ingiriiska isla markaane ay ka mid ahaayeen xubno ka socda wadamada reer yurub iyo hay’adaha horumarinta caalamiga ah waxayna sheegtay inshirka diirada lagu saaray in dib loo eego waxyaabihii u qabsoomay dowlada Soomaaliya iyo waxa la gudboon iney ku dhaqaaqday xiligan.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in beesha caalamku ay si weyn u xiiseynayaan wax la qabashada dowlada Soomaaliya waxayna tibaaxday in waftigani ay u sheegeen iney diyaar u yihiin iney Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo garsoorka,waxayna tibaaxday in dowlada Ingiriiska iyo guud ahaan wadamada caalamku ay u heelan yihiin iney si buuxda u taageeraan dowlada Soomaaliya.

Wasiirada arimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ahne R/wasaare ku xigeenka ayaa sheegtay in shirka maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho uu horu dhac u yahay shirka 7-da bisha May ee sanadkan ka dhici doona magaalada London ee caasimada wadanka Britain.

Agaasimaha dowlada Ingiriiska Nickey ayaa sheegay iney Muqdisho usoo gaareen sidii ay indhahooda ugu arki lahaayeen waxyaabaha u qabsoomay dowlada Soomaaliya wuxuuna ballan qaaday iney dhan walba ka taageerayaan dowlada Soomaaliya isagoona tilmaamay iney Soomaaliya gacan ka siinayaan dhinacyada amniga horu marinta dhaqaalaha, dib u dhiska dalka iyo horu marinta deegyada caafimaadka iyo waxbarashada dalka Soomaaliya

Wixii ka danbeeyey tan iyo markii uu soo hagaagay amniga dlka Soomaaliya isla markaane uu Soomaaliya ka dhacay isbedelka dhanka hogaanka ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo qulqulayey wufuud heer caalami ah kuwaas oo kulamo la qaadanaya xukuumada Soomaaliya si ay xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya dib ugu soo celin lahaa 22 sano kadib oo ay Soomaaliya markale dib uga muuqatay kaalinteedii.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles