Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa dilalkii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku eedeeyey iney ka danbeyso afhayeenka guud ee ururka alshabaab Sh Cali Max’uud Raage Cali-dheere oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay in meydadka maalmihii danbe la soo dhigayey xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ay si toos ah uga danbeyso dowlada Soomaaliya.
Cali-dheere ayaa sheegay in alshabaab ay wax badan ka digeen in shacabka Muqdisho lala damacsan yahay dilalka nuucan ah,wuxuuna sheegay iney arimaha Muqdisho ka taagan ay yihiin kuwa aad looga noxo isagoona tilmaamay in gumaad ba’an lagu hayo shacabka Muqdisho isla markaane ay masuul ka tahay dowlada Soomaaliya,wuxuuna ku booriyey shacabka Muqdisho iney iska dulqaadaan dhibaatada lagu hayo sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka alshabaab Cali Dheere ayaa sheegay iney ka xun yihiin dilalka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho wuxuuna tibaaxay in dowlada Soomaaliya iney ku caan baxday gumaadka dadka shacabka ah todobaadkii u danbeeyey ayaa xaafado ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo dhigay dad meyd ah oo ay ooga dooda ka muuqatay rasaas lala dhacay.
Sh Cali-dheere ayaa sheegay in alshabaab ay dib ula wareegi doonaan gacan ku haynta magaalada Muqdisho oo ay awood uga saareen ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab milateri ka helaya ciidamada nabad ilaalinta Amisom.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho