Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

R/Wasaare Saacid Iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Daqiiqado ka hor Gaaray Degmada Caabudwaaq

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Caabudwaaq(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud R/wasaaraha iyo waftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiiro,xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo shacabka magaalada Caabudwaaq.

Xaflad si weyn loosoo agaasimaya taasoo lagu soo dhaweynayo R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon iyo Waftigiisa ayaa si toos  ah uga socota fagaare ku yaala bartamaha magaalada Caabudwaaq,odayaasha dhaqanka degmadaas oo munaasabada ka hadlay ayaa hadalo ay kusoo dhaweynayaan wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ka jeediyey goobta ay munaasabadu ka socoto,odayaasha ka hadlay munaasabada ayaa sheegay iney u ooman yihiin dowlad Soomaaliyeed oo ay sheegeen iney ugu danbeysay 1991.

Waxaana xiligan munaasabada qudbad ka jeedinaya R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi FAarax Shiirdoon oo ka mahadceliyey sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyey degmada Caabudwaaq markii uu gaaray wuxuuna tilmaamay inuu si weyn ugu riyaaqay soo dhaweynta aan loo kala harin ee ay u sameeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Caabudwaaq.

Qudbada R/wasaaraha oo socota ayuu waxa uu inta badan uga hadlayaa  ka mahad celinta soo dhweynta loogu sameeyey Caabudwaaq,wixii kusoo kordha booqashada R/wasaaraha ee Caabudwaaq iyo waxyaabaha uu kaga hadlo qudbada uu hada jeedinayo  kala soco Raxanreeb oo daqiiqad daqiiqad idiinku soo gubineysa wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles