Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Japan

$
0
0

 

Yokahama(RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey oo shalay galinkii danbe ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya  ayaa gaaray dalka Japan oo uu  kaga qeyb-galayo shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo Jimcaha Berri ah  ka dhacaya magaalada Yokahama ee wadankaasi Japan.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u  shir guddoomin doona madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha Japan Shinz? Abe oo dalkiisu martigalinayo shirkaasi.

Dowladda dalka Japan ayaa soo nooleysay xiriirka kala dhexeeya dalka Soomaaliya, Toshihisa Takata oo ah safiirka dalkaas u fadhiya Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyey waraaqihiisa aqoonsiga danjiranimo.

Shirka oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha, fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada, horumarinta adeegyada bulshada iyo xasilloonida dalka ayaa dhacaya maalin un ka hor furitaanka rasmiga ah ee shirka Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika (TICAD).

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles