Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Shabeelaha dhexe oo sheegay iney wax ka qaban doonaan colaadaha aanooyinka qabiilka salka ku haya ee ka taagan gobolkaas

$
0
0

Jowhar(RBC Radio) Maamulka gobolka shabelaha dhexe ayaa sheegay iney  kor u qaadi doonaan sugida amniga gobolkaas gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay iney ku hawlan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen amniga gobolka isla markaane ay u joojin lahaayeen isku dhacyada iyo khilaafaadka ka taagan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeelaha dhexe.

Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay iney jiraan beelo walaalo ah oo ku dagaalamay Tuulooyin hoos yimaada degmada Jowhar ee xarunta gobolkaas,wuxuuna tilmaamay iney ka dhex-wadaan waan waan ay ku heshiisiinayaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka Shabeelaha dhexe ayaa shaaca ka qaaday iney gacan bir ah ku qaban doonaan ciddii ka hortimaada dadaalada ay ku heshiisiinayaan dadka wada dega gobolka ee khilaafaadku ka dhexeeyo,wuxuuna xusay in ciidanka ammaanka gobolku ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xaqiijin lahaayeen sugida amniga gobolka.

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa maalmihii u danbeeyey ka taagnaa xiisado colaadeed oo u dhexeeya qabaa’ilka wada dega gobolkaas kuwaas oo salka ku haya aanooyin qabiil,waxaana dhacdooyinkii u danbeeyey lagu gubay tuulooyin hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,maamulka gobolkaas ayaa wada dadaalo uu ku heshiisiinayo beelaha dagaalamay,waxaana magaalada Jowhar ka socda wadahadalo lagu xalinayo colaadahaasi.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles