Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20445

Kenya oo wacad ku martay iney iska difaacayso alshabaab

$
0
0

 

Nairobi(RBC Radio) Dowladda Kenya ayaa wacad ku martay in ay iska difaaci doonto weerarrada kaga yimaada ururka  al-Shabaab oo kordhisay weerarrada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya, Xog-hayaha gaashaaandhigga dowladda  Kenya haweeneyda la yiraahdo Raychelle Omamo oo warbaahinta la hadashay  ayaa sheegtay in dalkeedu uu diyaar u yahay in uu iska caabbiyo cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Xog-hayaha gaashaandhigga Kenya ayaa tilmaantay in wasaaraddeeda uu xil weyni ka saaran yahay ilaalinta sharafta iyo madax-bannaanida dhulka Kenya,waxayna wacad ku martay iney ka hortagi doonaan weerarada ay alshabaab la maaggan yihiin dalkeeda,waxayna intaa ku dartay iney il gaara ku hayaan dhaq-dhaqaaqyada ugu danbeeyey ee alshabaab ay ka wadaan gudaha dalkaas.

Xog-hayaha difaaca Kenya oo hadalkan ka jeedisay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobey oo shalay ku beegneyd ayaa ammaantay hawlgalka nabad ilaalinta ciidanka Kenya ay ka wadaan gudaha Soomaaliya,waxayna ku nuuxnuuxsatay in ciidanka Kenya ay fashilin doonaan isku dayada ay ku doonayaan iney ku dhibateeyaan qaranka Kenya.

Alshabaab ayaa dhawaan weeraro qorsheysan ku qaaday tuulooyinka ay ka mid tahay Dhamaajaaley oo ku dhow xuduudka kala qaybiya dalalka Soomaaliya iyo kenya weerarkaas oo ay ku dileen askar ka tirsan ciidanka Kenya.

Alshabaab ayaa ku dhawaaqay iney Kenya ku qaadayaan duullaan ay ku naafaynayaan kadib markii ay ku eedeeyeen in Kenya ay kusoo xad-gudubtay gudaha dalka isla markaane ay kusoo biireen dagaalka lagu doonayo in dhabarka looga jabiyo ururka alshabaab oo dagaal kula jira Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo ciidanka dalka Ethiopia.

 

 

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20445

Trending Articles