Nairobi(RBC )Shirka looga hadlaye arimaha maalgashiga dalka Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo gabo-gaboobay dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi halkaasi oo uu ka socday muddo labo cisho ah,waxaana gaba-gabada shirkaasi kasoo baxay warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo diyaariyeen Rugaha ganacsiga dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo iyagu si wada jir ah usoo qaban-qaabiyey shirkaasi.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayey sidii dib u dhis iyo maalgashi loogu samayn lahaa dalka Soomaaliya waxaana ka qaybgalay shirkado badan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo madasha shirka kusoo bandhigay waxqabadkooda,waxaana kaloo intii shirkaasi uu socday halkaa laga soo jeediyey talooyin la xiriira sida loo maalgashan karo dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa kasoo baxay in dowladda Soomaaliya ay soo dhamaystirto sharciga lagu hayo maalgashiga Soomaaliya,waxaana la hor geyn doonaa baarlamaanka Soomaaliya shirkadahan doonaya iney maalgashadaan dalka Soomaaliya si uu u meelmariyo.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee shirka ka qaybgalay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaasi,waxayna tilmaameen in Soomaaliya uu u furmay bog cusub oo ka duwan kii colaadaha.khilaafaadka iyo burburka,waxayna tilaameen in Shirkadaha ganacsiga Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qaadanayaan dib u dhiska dalka.
Dalka Soomaaliya oo lagu tilmaamo inuu yahay dal hodan ah kaasoo uu Ilaah ku manneystay khayraad kala duwan sida,Xoolaha nool,beeraha iyo Kalluumaysiga ayeysan hadane Soomaalida uga faa’iideysan sidii la rabay khayraadka dhex ceegaag dhulkooda.
RBC Radio