Nairobi(RBC ) Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay warbixin ay hal ku dhiga uga dhigtay “dhammaantiin waxaad tihiin argagixiso” oo ay ku eedeynayso ciidamada Kenya inay tacaddiyo isugu jira jirdil, kufsi iyo xarig u gaysteen kun qof oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugan dalka Kenya,Hay’adda ayaa ku sheegtay warbixinteeda in tacadiyaddaasi ay Soomaalida u geysteen askarta Kenya Bishii November ee sanadkii hore iyo dabayaaqada bishii Janaayo ee sanadkan cusub ee 2013-ka.
“qaxootigu wuxuu noo sheegay in boqollaal askari oo boolis ah ay toban toddobaad ku hayeen dhibaato aan kala go’ lahayn oo isugu jirtay dhac, jirdil iyo xadgudubyo kale” ayuu yiri Gerry Simpson oo hay’adda u qaabilsan daraasaynta arimaha qaxootiga.
Humar Rights Watch ayaa sheegtay in dadka dhibaatada loo geystay aysan ilaa hadda wax dacwo ah gudbin sababtana waxay ku sheegtay iney tahay in halkii ay u dacwoon lahaayeen oo ah booliska iney iyagu tacaddiga u geysteen,warbixinta hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adda UNHCR ee QM u qaabilsan qoxootigu ay ka gaabisay ka hadlidda dhibaatada loo geystay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya ee u diiwaan gashay hay’addaas isla markaane ay ku fashilantay iney ogaato tacaddiyada lagu hayo qaxootiga Soomaaliyeed.
Humar Rights Watch ayaa sheegtay iney wareysatay 101 qof oo iskugu jira qaxooti, dad magan-gelyo doon ah iyo Soomaalida-Kenya , waxaana booliska lagu eedeeyay inay dhibbanayaasha ku eedeeyeen inay dhammaantood argagixiso yihiin.
Warbixinta oo aad u dheereed hay’addu waxa ay sheegtay in ciidanka Kenya ay xabsiyada u taxaabaan dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaane ay ka dalbadaan eheladooda lacago fara badan si ay usii daayaan.
Ciidanka booliska Kenya ayaa hawlgallo isdaba joog ah ka waday dalkaas gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimadda kadib markii ay qaraxyo ka dheceen gudaha Nairobi,taasoo keentay in ciidanka ammaanka Kenya ay bartilmaameed ka dhigteen Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi .
RBC Radio