Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo warbaahinta Soomaaliyeed ku booriyey iney ka qayb-qaataan horumarinta iyo xasilinta dalka

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday warbaahinta Soomaaliyeed iney door muhim ah ka qaadato xasilinta dalka,gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo khudbad ka jeedinayey Barnaamijka Tiiraanyo bixinta qaybtiisa 3-aad ayaa ugu yeeray warbaahinta Soomaaliyeed iney kaalin wanaagsan ka qaataan horumarinta dalka.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tibaaxay in warbaahinta uu xil iyo waajib qaran uu ka saaran yahay dalkooda isla markaane looga baahan yahay iney la yimaadaan qorshe ay ku taageerayaan nabadda iyo horumarka dalka,wuxuuna ku celceliyey in dhegaha shacabka Soomaaliyeed ay kaso daaleen dhibaato iyo xumaan xiligane loo baahan yahay in shacabka loo baahiyo barnaamijyo nabadda kaabaya.

“waa in dariiqa saxda ah shacabka loo horseedaa,waa inaan dhammaanteen u midownaa ka shaqaynta maslaxadda ummadda Soomaaliyeed” ayuu riyi gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Tarsan ayaa sheegay in warbaahintu ay kaalin weyn ku leedahay horumarinta bulshada,wuxuuna ku booriyey masuuliyiinta warbaahinnadda Soomaaliyeed iyo wariyaasha ka hawlgala iney xil weyn iska saaraan baahinta wararka iyo barnaamijyada kaabaya nabadda,horumarka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuuna cod dheer ugu yeeray bahda warbaahinta Soomaaliyeed iney u hiiliyaan dalkooda si uu uga boxo dhibaatada dabada dheeraatay ee dalku uu kusoo jiray 22-kii sano ee dowlad la’aan oo ay dalka ka socdeen dagaalada sokeeye.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles