Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ugu baaqay saraakiisha cusub ee loo dhiibay hogaanka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iney la yimaadaan qorshe ay ku nidaaminayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya isla markaane ay ku kasbanayaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo midda beesha caalaka intaba.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in hadii aan la helin ciidamo leh masuuliyada iyo dhaqan ciidan Soomaaliyeed ay meesha ka baxayso kalsoonida ay ku qabaan shacbiga Soomaaliyeed wuxuuna hoosta ka xariiqay in hadii la waayo kalsoonida shacabka ay hubaal tahay in dalku uu mar kale dib ;ugaha ula gali doono fowdadii iyo qalaanqalkii uu kusoo jiray 22-kii sano ee ina dhaafay.
Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa shaaca ka qaaday guul iyo horu mar ay Soomaaliya gaarto iney ku xiran tahay helida ciidan qaran oo ay u dhamaystiran yihiin dhamaan wixii looga baahnaa ciidan qaran,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in saraakiisha cusub ee loo magacaabay hogaanka ciidanka ay la yimaadaan qorshayaal iyo isbedelo lagu soo celinayo kalsoonida shacabka u hayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
R/wasaaraha ayaa ku booriyey saraakiisha cusub ee ciidamada xooga dalka iney si wanaagsan u maamulaan hubka ay heli doonaan wuxuuna ku celceliyey in hadii aysan ciidanku kasoo bixin masuuliyada ka saaran ilaalinta iyo maareynta hubka gacantooda soo gala ay taasi keeneyso in beesha caalamka ay ka aamin baxdo Soomaaliya isla markaane markale dalka lagu soo rogo cunaqabateynta hubka,wuxuuna tilmaamay in hadii arintaasi dhacdo aysan suurta gal noqon doonin dib u dhis ciidan Soomaaliyeed,R/wasaaraha ayaa ku baraarujiyey saraakiisha iney ka faa’iideystaan fursada weyn ee hortaala.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho