Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay warka sheegaya in madaxweyne Xasan SH uu Kenya iyo Ethiopio ku amray iney ciidankooda kala baxaan Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho(RBC) Madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed ayaa iska fogeysay warar ay sheegeen qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaasoo sheegayey in madaxweyne Xasan Sheekh uu amar ku siiyey dowladaha Kenya iyo Ethipio ay ciidankooda kala baxaan gudaha Soomaaliya muddo 48 saacadood gudahooda.

Wasiiruy dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax C/qaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi,“waxaa maanta inasoo gaaray in qaar ka mid ah idaacadaha madaxa banaaan ay faafiyeeen warar been abuur ah oo la xiriira in Madaxweyne  Xasan SH uu ku amray  dowladaha deriska ah qaarkood iney ciidammadooda kala baxaan gudaha Soomaaliya hadaba waxaan dooneynaa in Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay halkaan ka cadeyso in warkaasi uu yahay been abuur aan raad laheyn”

Wuxuuna intaa ku daray in webseedyada lagu qoray warkaasine ay yihiin kuwo aan ku hadli afka madaxtooyada dowladda  federaalka Soomaaliya.

Faarax C/qaadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu kala dhexeeya dhammaan dalalka caalamka xiriir wanaagsan oo ku dhisan iskaashi gaar ahaan wadamada deriska oo uu sheegay iney door wanaagsan ka ciyaareen u gargaarida ummadda Soomaaliyeed.

“dowladdu waxa ay markale u mahad celineysaa dowladahaas gaar ahaanna dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo iyagu dadaal dheer u galay in Soomaaliya laga xoreeyo cadawga argigixisada ah,waxaan kale oo aan doonayaa inaan cadeeyo in xiriirka ay Dowladda Soomaaliya la leedaahay dowladaha Kenya iyo Ethiopia uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana qoto dheer” ayuu yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed Faarax C/qaadir.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles