Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay dalka Japan (Sawirro)

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweeynaha  dowladda federaalka  Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaamimayo ayaa maanta  u ambabaxay dalka Japan oo uu kaga qaybgalayo shirka 5-aad ee caalamiga ah ee hormarinta afrika. (TICAD) oo ka dhacayo magaalada Yokahama ee dalka Japan,madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusii sagootiyey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya,waxaana safarkiisu ku wehlinaya Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Fowziya yuusuf Xaaji Aadan.

Afhayeenka Madaxtooyada soomaaliya Inj C/raxmaan Cumar Cimaan Yariisow oo warbaahinta uga warbixiyey safarka madaxwenaha ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sh.  uu casuumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha dalka Japan,wuxuuna tilmaamay  in 31 bishan uu ka qeyb galayo  shir gaar ah oo ay si wada jir ah u gudoomin doonaan madaxweynaha soomaaliya iyo ra’iisulwasaaraha Japan oo ka dhacaya magaalada Yokahama ee dalkaasi.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Inj C/raxmaan Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha soomaaliya uu ka qeyb gali doono shir 1-3 bisha June ay dowlada Japan mar walba u qabato wadamadaa afrika,oo looga hadlay xiriir wanaagsan oo dhex mara dalka Japan iyo wadamada kale ee qaarada afrika.

Afhayeenka madaxtooyada  Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay  in Madaxweynaha soomaaliya uu 15-ka bisha soo socota uu magaalada London uu kaga qayb gali doono shirka wadamada warshadaha ku hor maray ee G8-ka, wuxuuna sheegay iney tahay markii ugu horeeysay oo madaxweyne soomaaliyeed lagu casuumo shirka wadamada G8ka,wuxuuna xusay in madaxweynuhu uu shirkaa ka jeediyey khudbad uu kaga dalbanayo iney taageero buuxda siiyaan dalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles