Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasaarada haweenka Puntland oo taageero u fidisay Haweenka Gobolada Puntland ku dhaqan,(Warbixin+Sawirro).

$
0
0

Garoowe( RBC RADIO) Wasaarada haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa soo bandhigtay Qalab Xafiiseed ay ugu talagashay in la gaarsiiyo Haween ku kala Nool 13degmo oo ka mid ah 33Degmo oo ay ka koobantahay Puntland iyadoo Qalabkaasi ay isugu jiraan Computero Brintero wax lagu daabacdo,Camerado wax lagu sawirto, Miisas iyo Kuraas Casri ah, iyo Laabtoobyo, kaasoo loogu talagalay in Baahiyaha Haweenka ee dhanka Xafiiska looga baahi tiro Sida ay sheegtay Afhayeenka Wasaarada haweenka ahna Agaasimaha Xiriiriyaha Gobolada Luul Jaamac Mar ay Saxaafada la hadleesay.

Baxsan Siciid oo ka mid ah Saraakiisha Hay’ada UNFPA oo Wasaarada kala shaqeesay Bixinta Qalabkan ayaa sheegtay in Qorshuhu yahay in Haweenka ay meel walba ka muuqdaan aysana ku dhicin Qalab la’aan sidaa darteedna loo baahan yahay in qalabkooda ay xafitaan kuna soo gudbiyaan Baahiyohooda Dhabta ah Dumarkana si gaar ah loogu shaqeeyo.

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada haweenka Puntland Cali Maxamed ayaa dhankiisa xusay in Wasaarada Haweenka Puntland ay indhawaaleba waday sidii ay taageero u gaarsiin lahayd haweenka reer Puntland kaasi oo isgu jira Qalab iyo Tababaro kor loogu qaadayo Aqoonta Haweenka ayaa tani ay qayb ka tahay Hawlaha ay Wasaarada Haweenku u hayso Qoys kasta oo Puntland ka jira isagoo sheegay in qalabkan mid la mid ah ay doonayaan xiliyada soo aadan in ay gaarsiiyaan Degmooyinka kale ee Puntland.

Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan ayaa kal hore sheegtay in Qorshaha ugu horeeya ee soo socda ay xooga saari doonaan dhanka Degmooyinka ku yaal Goobaha Fog Fog kaasi oo Dumarka halkaa ku dhaqan loo samenayo Xafiisyo ay Warbixinadooda ku aruursadaan, waxaana Degmooyinka 13ka ah lasoo xulay kadib markii Wasiiradu ay Safar ku taktay inta badan Gobolada Puntland soona Xog ogaatay Degmooyinka Nugul ee u baahan in si deg deg ah loo taageero iyadoo la filayo sida Wasiiradu ay xustay In fursad kale la siin doono Degmooyinka Xiga lana sii laba jibaari doono Waxtarka Wasaarada si tayada Dumarka Puntland kor loogu qaado sida Madaxda Wasaarada ay ka dhawaajiyeen.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles