Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in guusha muuqata ee ay soo hooyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ammaanteeda leeyihiin taliyihii hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya C/qaadir Sh Cali Diini iyo Abaanduulihii hore ee ciidanka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan oo shalay wareejiyey xilalkii ay ka hayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in guusha weyn ee ay gaareen ciidamada qalabka sida ay ku amaanan yihiin saraakiishii hogaaminayey ciidanka wuxuuna tilmaamay in saraakiishani ay soo shaqeeyeen xili ay alshabaab ku sugnaayeen agagaarka madaxtooyada qaranka iyagoona gaarsiiyey in ciidanka Soomaaliya ay alshabaab ka saareen degmooyin iyo gobolo fog fog oo ay alshabaab ka arimin jireen.
C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa tibaaxay in Jen. Diini iyo Jen. Dhegabadan ay yihiin geesiyaal qaran oo dalkooda iyo dadkooda kasoo samata bixiyey marxalad adag oo ay soo mareen ,wuxuuna sheegay iney naftooda u hureen sidii ay shacabka Soomaaliyeed xorriyad ugu noolaan lahaayeen.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaaliya ayaa sheegay in dowlada iyo shacabka Soomaaliya aysan marnaba ilaawi doonin waxyaabihii ay usoo qabteen mudadii ay hayeen hogaanka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho