Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Puntland oo Jeneraal Cade Muuse ku tilmaantay Dagaal ooge.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Garoowe wuxuu sheegay in Gen, Cade Muuse Xirsi oo ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland uu Qalalaaso iyo dhibaato horleh uu ka abuurayo Deegaanada Puntland isagoo kasoo horjeeda Nidaamka Xisbiyada Badan ee ka socda Deegaanada  Puntland iyo Hormarka Baahsan ee la gaaray oo uusan isago hormuud ka ahayn.

“Cade Muuse wuxuu qayb ka yahay Abaabulka Xasarad iyo Xaalad abuur oo uu ku doonayo inuu Khal-Khal ku galinayo Nabada Puntland iyo iska horkeenida shacabka,Cade Muuse wuxuu la falgalayaa lana siyaasad yahay kooxo isku bahaystay waxyeelida Puntland dhismaha Jubbaland kuwaas oo xiriir la leh dhinacyada kale oo Hawlahaas ku caan baxay,Cade wuxuu ku lug lahaa Xaalado nabadgelyo daro oo Gobolka ka dhacday,wuxuu masuul ka ahaa qabsashada Gobolo ka mid ah Puntland xilligii uu talada hayay,wuxuu abaabulkeeda lahaa gadoodkii ciidan ee ka dhacay Gobolada Barri iyo Karkaar, sidaana waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ay ka digeyso dhaq-dhaqaaqyada dal dumiska ah ee uu ka shaqeynayo Cade Muuse iyadoo shacabka reer Puntlandna ugu baaqeyso Midnimo iyo Isku duubni wuxuu kaloo sheegay wasiirku in Shacabka looga baahanyahay ka hortaga wixii dhib ku ah Umada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta wuxuu cadeeyey in Puntland ay ka hor iman doonto hadii dalka lagu qabto shirar aan looga hadleyn danaha Puntland balse ay gadaal ka riixayaan dad dano gaar ah leh dowladuna ay ka hortageyso,wuxuuna hadalkiisa siiraaciyay in hadii shirarkaasi ay dhacaan ay Puntland ka digeyso cawaaqib xumada ka dhalata dushana uga tuureyso Gen Maxamuud Muuse Xirsi Cade iyo cid kasta oo kala shaqeysa dhibaatada uu Gobolka ka wado ayuu wasiirku yiri.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan Gen cade muuse hadal uu kasoo jeediyay Magaalada Qardho uu ku sheegay in Puntland aysan ka dhici Karin Doorasho arimahaasna hawlo gaar ah laga leeyahay isagoo baaq u diray wax garadka aqoonyahanada iyo isimada Puntland si ay isgu yimaadaan shir wadatashi.

RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles