Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20517

Nabadoon Araxeey: Puntland siyaasadeeda waa jahwareertay (Dhageyso)

$
0
0

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Denver (RBC Radio) Nabadoon Cabdullaahi Warsame Cabdiraxmaan Araxeey oo Raxanreeb uga waramay dareenkiisa ku aadan xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Nabadoonka oo hada ku sugan Magaalada Denver ee Gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in xaalada dalka marayo sida uu u arko ay dowladnimadii soo noqotay oo uu rajo wanaagsan ka qabo in wadanka uu xasilo.

Nabadoon Araxeey ayaa waxa uu dhaliilay Siyasada xukuumada Madaxdweyne Faroole ee uu waqtigaan ku hogaamiyo maamul Goboleedka Puntland waxa uuna yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Puntland waxaa sameysatay gobolo soomaaliyeed oo Soomaaliya kamid ah, sababtii loo sameeyeyna waxa aheyd inta Soomaali mideysan ama dowlad Soomaliyeed laga helayo in si kumeel gaar ah maamul u shaqeeyo la dhiso ayaa loo dhisay hase ahaatee Puntland waa ay kala go’goday gobol gobol bey u kala go’day siyaasadeeda waa jahwareertay maamulkaana sababtaas masuul ka ah oo uu madaxda u yahay Faroole”

Nabadoonka isaga oo ka jawaabaya hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh dhawaan ka sheegay magaalada Kismaayo iyo jawaabtii madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu ka bixiyey sida uu u arko ayaa waxa uu yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Xoosh u xaq weeye wasiirkii Dastuurka ee Soomaaliya sharci dajinta wasiirka u ahaa dastuurkii ayuu ku dhagan yahay qawaaniin dastuurka ka baxsan nimanka Jubaland iyo Faroole ku hadlayaan weeye…… xaqiiqdana Xoosh baa u dhow”

“Muqdisho iyo Kismaayo waa isku mid anigu mabda a waxaan taageersan nahay ninka Kismaayo ku dhashay in uu Hargeysa Xukumo, wiilka Xamar ku dhashay in uu Kismaayo xukumo, Kan Baladweyne ku dhashay uu Boosaaso xukumo”

Nabadoonka ayaa Nidaamka Xisbiya Badan ee Puntland laga hirgaliyey ku sheeegay kuwa aan waxba ka jirin waxa uu xisbiyada ku tilmamay kuwa taageersan Xukuumada Madaxweyne Faroole.

“Xisbiyada Puntland laga sameeyey waxba kama jiraan sababta oo ah waa xisbiyo taageersan maamulka majara haboowsan ee Madaxweyne Faroole ayey taageersan yihiin wax uu sameeyey isaga weeye waana wax uu rabo in uu 4 ama 5sano oo horleh uu ku sameysto lugooyada uu umada u geysanayona uu ku badsado”.

RBC Radio
Denver CO

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20517

Latest Images

Trending Articles



Latest Images