Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka u gudbisay sharciga dhisida maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka,wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya horgeeyey hindise sharciyeedka dhisida maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa u sharaxay mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya qodobada uu ka kooban yahay hindise sharciyeedka dhisida maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka,wuxuuna shaaca ka qaaday in lagu jiro xili adag isla markaane ay muhim tahay in si dhaqso ah loo dhiso maamulada dalka.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya ayaa ka dalbaday mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iney meelmariyaan hindise sharciyeedkaas maadaama sida uu tilmaamay uu dalku ku sugan yahay marxalad xasaasi ah una baahan in si deg deg ah loo samatabixiyo bulshada Soomaaliyeed.
Hindise sharciyeedka ayaa waxaa ku quran sida ay u dajisay wasaarrdu dhisida maamulada dalka,wasaaradda arimaha gudaha ayaa hore ugu guuleystay iney maamulo kumeelgaara u dhisto gobolada Baay,Hiiraa,Gedo iyo Galgaduud.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dalka uga hirgalin lahayd maamulo kumeelgaar ah oo shaqeeya muddo 6 bilood ah kuwaas oo u gogol xaara dhisida maamulada dalka oo ku yimaada hab doorasho ah iyo dhisida maamul goboleedyada dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho