Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20276

Dawo la’aan baahsan oo laga soo sheegayo Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel

$
0
0

 

Masuuliyiinta gacanta ku haya Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Isbitaalka ay soo food saartay daawo la’aan ba’an kadib markii sida ay sheegeen ay go’aday dawadii tiillay Isbitaalka isla markaane ay dalka ka baxday hay’addii gacanta ku haysay.

Cumar Cali Tarabi oo kamid ah masuuliyiinta gacanta ku haya Isbitaalka Istarliin ee magaalada guriceel oo warbaahinta la hadlay ayaa qaylo dhaan ka muujiyey dhibaato dawo la’aaneed oo uu sheegay iney ka taagan tahay Isbitaalka,wuxuuna xusay in Isbitaalku uu xiligan qarka u saarsan yahay inuu gabi ahaanba xirmo .

Tarabi ayaa baaq u diray bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah kaasoo ku aaddan iney deeq dawo ah lasoo gaaraan si aysan u joogsan hawlaha baaxada leh ee Isbitaalku uu u hayo bulshada ku dhaqan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalkeenna Soomaaliya.

Tarabi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Hey’ada MSF waxey nooga tagtay bishii Janaayo Dawo Saddex bil dawadood,   Sadexdiina wey dhamaatay, hadda Isbitaalku  waa dawo la’aan dadkuna banaanka ayeey kala yimaadaan dawada”.

Wuxuuna codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro si ay usii socdaan adeegyada kala duwan ee uu Isbitaalku u hayo bulshada gobolka Galgaduud,hay’adda MSF oo bilowgii sanadkan ku dhawaaqday iney dalka ka baxayso ayaa  gacanta ku haysay Isbitaalo dhowr ah oo ku yaalla Koonfurta  iyo bartamaha Soomaaliya  waxaana Isbitaaladaasi xiligan ka jira dawo la’aan baahsan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20276

Trending Articles