Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney mugdi galin karto ka mid ahaanshaha ciidanka Kenya hawlgalka AMISOM kadib markii ay dhawaan diideen iney sugaan amniga wafdi sare oo ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Xildhibaan Dalxa ayaa si kulul u cambaareeeyey tallaabada ay ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ku diideen iney dammaanad qaadaan amniga dowladda oo ka koobnaa wasiirro iyo masuuliyiin sar sare,kuwaas oo ay saraakiisha ciidanka Kenya u sheegeen ineysan masuul ka ahayn amnigooda hadii ay garoonka dhaafaan isla markaane ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.
Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in arintaasi ay mugdi galin doonto joogitaanka ciidanka Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya iyo iney kasii mid ahaadaan hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM,wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka saraakiisha ciidanka Kenya ee ku aaddan diidma sugiga amniga waftiga dowladda ee Kismaayo gaaray.
Ciidamada dalka Kenya ayaa gudaha usoo galay gayiga Soomaaliya iyaga oo sheegayey iney la dagaalamayaan alshabaab oo ay sheegeen iney khatar ku tahay amniga gudaha dalkaas,waxayna markii danbe ku biireen hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya ee AMISOM,waxaana isa soo taraya eedaha loo jeedinayo ciidanka Kenya kuwaas oo ku saabsan iney baal mareen hawshii loo xilsaaray oo ahayd suiga goobaha muhimka ah iyo masuuliyiinta dowladda walow hawlgalka AMISOM uu markii danbe u xuubsiibtay nabad dhalin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho