Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Alshabaab oo sheegtay iney soo rideen diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn oo Mareykanka laga leeyahay iyo mareykanka oo xaqiijiyey burburka diyaaradaas

$
0
0

 

Buulo-mareer(RBC) Ururka alshabaab ayaa sheegay in duleedka deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha hoose ay kusoo rideen Diyaarad ay ku sheegeen iney ahayd nuuca wax basaasa isla markaane gantaallada xambaara ee dalka Mareykanka.

Afhayeenka dhanka hawlgallada ee ururka alshabaab Sheekh C/caiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka slahabaab ayaa sheegay in markii ay baaritaano ku sameeyeen diyaaradaas ay ogaadeen iney ahayd nuuca sirdoonka taasoo sidoo kale loo adeegsado duqeymaha qorsheysan ee aanay cidi wadin.

Alshabaab oo barta ay Twitter-ka ku leeyihiin kusoo bandhigay muuqaalada burburka diyaaradan oo ay sheegeen iney tahay Nuuca Drone-ka ee aysan cidi wadin ayaa waxa ay sheegteen iney iyagu soo rideen kadib markii ay gantaal la heleen sida ay sheegteen.

Dowladda dalka Mareykanka ayaa xaqiijisay in diyaarad nuuca aan cid wadin ah ay  ku burburtay gudaha dalka Soomaaliya” waxaan kuu sheegi karaa in diyaarad nuuca RPA ee aan cidi wadin ay ku burburtay meel kamid ah koonfurta Soomaaliya” waxaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalka Mareykanka oo magiciisa qariyey.

Wuxuuna intaa kusii daray  sarkaalkan u waramaya wakaaladda wararka AFP iney baaritaano ku hayaan sababaha keenay burburka diyaaraddan,shalay ayey ahayd markii  Kaymaha ku yaalla duleedka deegaanka Buulo-mareer ay kusoo dhacday diyaarad nuuca aan cidi wadin ah,taasoo alshabaab ay sheegteen iney iyagu dhulka soo dhigeen.

 

 

 

RBC Radio

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles